Dowladda Jabuuti Oo Ethiopia u soo Bandhigtay Qorshe Lid ku ah Heshiiska Somaliland

Ismail Omar Guelleh and Abiy Ahmed
Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra'iisalwasaaraha Ethiopia, Ismail Omar Guelleh and Abiy Ahmed

Maxaa Keenay inay Jabuuti Xilligan Oggolaato Codsi ay Hore uga Diidday Dowladda Ethiopia?

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Jabuuti ayaa dalka Ethiopia u soo bandhigtay inay dekedaheeda u isticmaali karto Arrimo ganacsi iyo mid ciidanba, haseyeeshee waxa ay ku xidhay shuruud la xidhiidha ammaanka dalkeeda.

Dowladda Jabuuti, ayaa hore uga dhega-adaygtay codsi ra’iisal-wasaaraha Ethiopia kaga dalbaday madaxweyne Ismail Cumar Geelle Saldhig Militari oo Ciidamadeeda Baddu ka hawl-galaan, taasoo ku kalliftay Xukuumadda Addis Ababa inay heshiis is-afgarad la gasho Dowladda Somaliland.

Sida aanu ka soo xigannay warbaahinta dalka Ethiopia, Ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed, ayaa codsiga ay ku doonayso saldhigga Militari u gudbiyey Dowladda Jabuuti dhowr bilood ka hor doorashooyinkii guud ee dalkaas ka qabsoomay bishii February 2023-kii.

“Itoobiya waxay codsiga u gudbisay Jabuuti ka hor doorashada madaxtinimada. Doorashada markay dhamaatayna madaxweynaha kamuu hadal soo jeedinta. Itoobiya waxay markaas u soo jeesatay Somaliland oo gacmo furan ku soo dhawaysay,” sidaa waxa lagu yidhi warka aanu ka soo xigannay warbaahinta dalka Ethiopia oo intaas ku dartay inay dowladda Jabuuti ka badheedhay sida ay uga soo horjeeddo heshiiska dhexmaray Addis Ababa iyo Hargeysa.

Dowladda Jabuuti ayaa la sheegay  inay oggolaanshaha dalabka ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed ku xidhay Shuruud ah inaanay Itoobiya mustaqbalka wax khatar ah ku keenin amniga Jamhuuriyadda Jabuuti.

Qorshaha Dowladda Jabuuti xilligan kaga Jawaabtay dalabka Ethiopia, ayaa qayb ka ah olole lagu doonayo in lagu fashiliyo heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya. Dowladda Soomaaliya ayaa sidan oo kale Xukuumadda Addis Ababa ugu soo bandhigtay inay dhowr dekedood oo ka siinayso dalkeeda taasoo oo ay shuruud uga dhigtay inay Ethiopia ka laabato heshiiska Somaliland.

Madaxweynaha dalka Jabuuti oo dhawaan u warramay warbaahinta ayaa sheegay inay layaab iyo af-kala-qaad ku noqotay heshiiska is-afgarad ee Somaliland la gashay Ethiopia.

Ethiopia ayaan ilaa hadda ka jawaabin qorshahan Dowladda Jabuuti xilligan ku oggolaatay dalabka ay hore uga diidday.