Guddiga Farsamo ee Dhammeystirka Heshiiska Ethiopia Oo La Kulmay Xisbiga Mucaaradka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Guddiga farsamo ee loo xil-saaray dhammeystirka heshiiska Is-faham ee Somaliland iyo Ethiopia, ayaa maanta kulan la qaatay madaxda Xisbiyada mucaaradka ah.

Guddigan farsamo oo ay hoggaaminayaan Danjire Baashe Cawil iyo safiirka Somaliland ee Maraykanka Danjire Bashiir Good, waxa ay kulamo la qaateen madaxda Xisbiyada Waddani iyo UCID maadaama ay ka mid yihiin metelayaasha siyaasadda ee dalka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kulanka guddiga iyo madaxda xisbiyada siyaasadda oo ka mid ah metelayaasha siyaasadda dalka, haseyeeshee waxa la ogtahay inay labada xisbi mucaarad hore u soo bandhigeen aragtiyahooda ku aaddan heshiiska isfaham oo 1-dii bisha January ee Sannadkan ay Magaalada Addis Ababa ku kala saxeexdeen madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisal-wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa hore u soo dhaweeyey is-afgaradka dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia, isagoo ku tilmaamay fursad dahabi ah oo Somaliland u baahan tahay inay ka faa’idaysato.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa isagu kalsooni-darro ka muujiyey heshiiska is-faham oo uu ku tilmaamay mugdi wax badan ku qarsoon yihiin.

Si kastaba ahaatee, Kulanka maanta dhexmaray Guddiga iyo madaxda xisbiyada mucaaradka ayaa qayb ka ah geeddi-socodka hawlaha loogu xil-saaray guddiga oo ku hawlan sidii is-afgaradka loogu beddeli lahaa heshiis laba geesood ah oo sharci ah.

Sidoo kale, waxa ay guddigu dhawaan kulamo la qaateen odayaasha odayaasha iyo wax-garadka deegaamada xeebaha Galbeeddka dalka, gaar ahaan gobollada Awdal iyo Selal.

Dowladda Ethiopia ayaa sidan oo kale Guddi heer qaran ugu xil-saartay dhammeystirka heshiiska, waxaanay dhawaan Socdaal ku yimaaddeen Somaliland, iyagoo booqasho ku tagay dekedda Berbera iyo deegaanno ka mid ah xeebaha Galbeedka Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net