“Heshiiska Somaliland iyo Ethiopia Wuxuu Xididdada U Siibayaa Aragtidii Soomaaliweyn” – Eng Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa dedafeeyey hadallo ka imanayaa madaxda Soomaaliya oo warar bulshada marin-habaabinaya ka faafiyey heshiiska Somaliland iyo Ethiopia.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in madaxda Soomaaliya ay faafinayaan dacwaayado ku saabsan heshiiska oo sheegaya inuu walaac dhinaca amniga ah ku keenayo Gobolka.

Eng Faysal Cali Waraabe oo Qoraal uu arrintan kaga hadlay ku baahiyey Bartiisa X maanta, waxa uu sheegay in heshiisku horumar iyo nabadgelyo u horseedayo mandaqadda Geeska Afrika isla markaana uu Xiddiddaha u siibayo Aragtidii Somaliweyn.

“Madaxda Soomaaliya waxay warar qaldan iyo xogo marin-habaabin ah ka faafinayaan heshiiska is-faham ee dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia, iyagoo leh heshiisku wuxuu halis ku yahay ammaanka Gobolka,” ayuu yidhi Eng Faysal Cali, waxaanu intaas ku daray, “Taas beddelkeeda heshiiska wuxuu qayb ka qaadanayaa xasilloonida iyo iskaashiga Gobolka, wuxuuna xiddiddada u siibayaa Aragtidii Soomaaliweyn” Sidaas ayuu Qoraalkiisa ku sheegay Eng Faysal Cali Waraabe.

Somalilandpost Media Inc.