Heshiiska Somaliland iyo Ethiopia Oo Kacdoon Hor Leh ka Furay Qaaradda Afrika

Hargeysa (SLpost)- Somaliland iyo Ethiopia ayaa horaantii bishan kala saxeexday heshiis is-garad oo dalka Itoobiya u suurto-galinaya inay hesho marin-badeed Kiro ah oo ay isticmaalaan ciidamada badda ee dalka Ethiopia oo noqonaysa waddanka ugu horreeya ee Aqoonsanaya madax-bannaanida Somaliland.

Heshiiska Is-garad oo soo jiitay indhaha Caalamka, waxa ku dhiirraday isla markaana taageeradiisa ka badheedhay dhammaan waddamada aan badda lahayn ee ku yaalla qaaradda Afrika.

Tallaabadan ayaa horseedday in lagu dhawaaqo Urur ay ku midaysan yihiin Dalalka aan Badda Lahayn ee ku yaalla Qaaradda Afrika oo tiradoodu dhan tahay 16 Waddan.
Ururka oo lagu magacaabo UMFA (United Maritime for Africa), waxa ku midoobay waddamada Botswana, Burkina Faso, Burundi, Central African Republic, Chad, Ethiopia, Eswatini, Lesotho, Malawi, Mali, Niger, Rwanda, South Sudan, Uganda, Zambia and Zimbabwe.

Waddamada ayaa dhammaantood taageero weyn u muujiyey heshiiska is-afgarad ee Somaliland iyo Ethiopia oo ay tilmaameen inuu kaalin mug leh ka qaadanayo koboca dhaqaalaha qaaradda Afrika.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net