Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodijeex oo Shaqada laga joojiyey iyo Sababta

Hargeysa (SLpost)- Maamulka sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, ayaa shaqo-ka-joojin ku sameeyey Guddoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Maroodijeex Cabdikariin Xasan Muxumed.

Wareegto uu ku saxeexan yahay Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Waxbaashada Axmed Xasan Nuur (Axmed-Taajir), laguna socodsiiyey masuulka shaqo-ka-joojinta lagu sameyey isla markaana lagu war-geliyey Agaasime waaxeedyada, Agaasimaha Guud iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, ayaa lagu sheegay in shaqada laga joojiyey masuulkan oo lagu eedeeyey inuu ka horyimi nidaamka wada-shaqaynta iyo kala-dambaynta ee Wasaaradda.

Wareegtada oo ku taariikheysan 31-kii March, 2021, nuqul ka mid ahna ay heshay warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u qornayd sidan:-

“Ujeeddo: Shaqo-ka-joojin.
Mudane Guddoomiye, markii aad si badheedh ah u diidday wada-shaqaynta kana hor timi habsami u socodka shaqada waxbarashada Gobolka. Haddaba, maanta laga bilaabo waxa lagaa joojiyey shaqada maamulka Guddoonka Waxbarashada Gobolka Maroodijeex ilaa inta aad ku soo noqonayso nidaamka wada-shaqaynta iyo kala-dambaynta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.” Sidaas ayaa lagu sheegay wareegtada ka soo baxday xafiiska Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net