Garabka Jamaal Cali Xuseen Oo Magacaabay Xubnaha Qaban-qaabada Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga UCID

????????????????????????????????????

Hargeysa (SL.Post) Garabka uu hoggaaminayo musharraxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID  Jamaal Cali Xuseen,  ayaa soo xuley shanta xubnood ee uga qayb galaya qaban-qaabada shirwaynaha xisbiga UCID ee dhawaan Maxkamadda sare ee Somaliland go’aamisay in lagu qabto muddo 60 cisho ah.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Shantan xubnood ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin sidan:-

1) Aadan Sul. Cabdiraxmaan Sul. Diiriye

2) Xussen Caynaan Faraax

3) Xussen Xassan Badmaax

4) Aadan Cali Yoonis

5) Cali Maxamed Xassan

Waxaana war-saxaafadeed kasoo baxay garabkan oo uu ku saxeexnaa Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray), balse Garabka  Faysal Cali Waraabe ayaan iyagu dhinacooda soo magacaabin shanta xubnood ee uga qayb-galaya shirweynaha UCID.

Somalilandpost.net