Ethiopia oo ka hadashay Wada-shaqayn iyo Iskaashi u dhexeeya Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Federaalka ee Ethiopia, ayaa shaaca ka qaadday inay Dowladda Somaliland iska kaashanayaan hawl-gallo lagula dagaalamayo Ayaxa oo faro-baas ku haya Beeraha iyo dhul-daaqsimeedka deegaamo ka tirsan labada waddan.

Wasaaradda Beeraha dowladda Federaalak ee Ethiopia, ayaa ku dhawaaqday inay bilawday wadashaqeyn ay Somaliland isaga kaashanayana xakamaynta Ayaxa oo si weyn u sameeyey gobolka Dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Sida aanu ka soo xigannay Wargeyska Ethiopian Herald oo warka arrintan ku saabsan caddadkiisii maanta ku soo baxay, Wasaaradda Beeraha Ethiopia waxa ay shaacisay in guulo wax-ku-ool ah laga gaadhay dedaallo wada-jir ah oo labada dowladood sameeyeen dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, isla markaana Ayaxa laga tirtiray guud ahaan gobollada Ethiopia marka marka laga reebo gobolka Ismaamulka Soomaalida.

Sida warkan lagu sheegay, waxa ay wasaaraddu tilmaantay in sababta ugu weyn ee ay u xakamayn kari waayeen Ayaxa ku habsaday gobolka Dowlad-deegaanka Soomaalida ay ugu wacan tahay Qulqulka Ayax tiro badan oo uga gudbay dhinaca Xuduudka Somaliland.

Agaasimaha Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Beeraha oo u warramay Wargeyska The Ethiopian Herald in Wasaaraddu ay arrintan wada-shaqeyn kala leedahay waddano dhowr ah, isla markaana ay xoojiyeen wada-shaqaynta hay’adaha Caalamiga.

Waxa uu sheegay in Wasaaraddu adeegsatay tikniyoolajiyad casri ah oo ay weheliyaan 12 diyaaradood oo nooca Qumaatiga u kaca ah, iyadoo hawsha loo xil-saaray khubaro Ajaanib ah iyo kuwo dalkaas u dhashayba si Ayaxa looga cidhib-tiro gobolka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo ay wejigii hore ee hawl-galka ay ku fashilmeen inay xakameeyaan, ka hor intii aanay heshiis iskaashi la saxeexan Somaliland.

Waxa uu ku dooday in qulqulka Ayaxa oo si joogto ah uga gudbaya dhinaca Somaliland ay sababtay inay ku adkaato Xakamaynta Ayaxa, balse immika ay wasaaraddu la xidhiidh iskaashi la bilowday Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa uu sarkaalkani u sheegay Wargeyska in Wasaaradda Beeraha Ethiopia bilowday baadhitaanno ay ugu kuur-galayaan baaxadda khasaaraha uu sababay duullaanka Ayaxa ku habsaday dhul-beereedyada si loo caawiyo dadka beeralayda ah ee khasaaruhu ka soo gaadhay dalaggooda.

Ayax tiro badan oo ku habsaday deegaamo ka tirsan gobollada Bariga iyo Galbeedka Somaliland, ayaa la sheegay inuu horaantii sannadkan ka soo tallaabay biyaha Gacanka Cadmeed, isagoo ka soo hayaamay dalka Yemen oo uu markii hore kaga yimi dhinaca Dalalka Iiraan iyo Pakistan, sida lagu sheegay war-bixin ay soo saartay hay’adda cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO.

Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Somaliland oo kaashanaysa hay’adda FAO, ayaa deegaamo ka tirsan Gobollada Awdal, Sanaag, Saaxil iyo Oodweyne ka fulisay hawl-gallo kicinayo Ayax ku habsaday Dhul-beereedyo iyo Dhul-daaqsimeed ku yaalla gobolladaas, iyadoo la adeegsadayo diyaaradaha Helicopter-ka oo ku gaashaaman Sunta Ayaxa lagula dagaalamo oo lagu buufiyey deegaamada Ayaxu ku habsaday.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net