AYAX Tiro Badan oo ku Habsaday Deegaannada Xeebaha Gobollada Galbeedka Somaliland

 

Boorama (SLpost)- Ayax tiro badan, ayaa ku habsaday Deegaannada ku teedsan dhulka Xeebaha ah iyo Deegaannada Beeralayda ee gobollada Awdal iyo Selal ee Galbeedka Somaliland.

Ayaxa oo la sheegay inuu maalinba maalinta ka dambaysa ku soo badanayo deegaannadaas, ayaa waxyeello gaadhsiiyey Dalaggii Beeralayda ku dhaqan deegaanka Xeebaha xiga ee labada gobol, waxaanay dadka beeralayda ahi ugu baaqeen xukuumadda Somaliland inay gurmad deg-deg ah oo wax lagaga qabanayo Ayax iyo dhibaatada uu ku hayo lala soo gaadho deegaannadooda.

Warkan oo Faahfaahsan kaga bogo Muuqaalka Hoose