Dowladda Ethiopia oo u Quus-goysay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xulafadiisa Bariga Dhexe

“Ma Jirto Cid Wax Ka Beddeli Karta Heshiiska is-afgarad ee Ethiopia iyo Somaliland” – Ambassador Meles Alem, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia.

Addis Ababa (SLpost)- Dowladda Ethiopia, ayaa shaaca ka qaadday inaanay waxba iska beddeli doonin heshiiska is-afgarad ee horaantii bishan dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland.

Xukuumadda Addis Abaab oo ka jawaabaysa hadallo ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya iyo qorshe Dowladda Masar ku mashquulsan tahay, waxa ay xustay inaanay Ethiopia ahayn waddan lagu soo degdegi karo oo go’aamadiisa wax ka beddeli karaan culaysyo dublomaasiyeed iyo hanjabaado kaga yimaadda Caalamka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, Amb. Meles Alem oo ka hadlay xaaladaha dublomaasiyeed ee dalkiisa, waxa uu sheegay in heshiiska is-afgarad ee Somaliland yahay arrintan ugu muhiimsan ee Dowladda Ethiopia ku hawlan tahay ka midho-dhalintiisa.

“Heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia waa waxa ugu muhiimsan. Way jiraan dhowr waddan iyo hay’ado ay ka mid yihiin Ururka Carabta oo baaqyo ka soo saaray heshiiska. Ethiopia maaha waddan u joojinaya hadalladaas,” sidaas ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii watay, wuxuu yidhi, “Hadalladan oo kale waxay sannado badan ka imanayeen Qaahira oo dagaal saxaafadda ah waday, laakiin Ethiopia ma joojin dhismihii biyo-xidheenka. Ethiopia waa waddan weyn, ma nihin dad baqanaya”.
Wuxuu Afhayeenku sheegay in dalkiisu si dadban iyo si toos ahba uga shaqaynayo ammaanka iyo nabadda Gobolka Geeska Afrika.

Hadalka ka soo yeedhay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia, ayaa ku soo beegmaya xilli laba maalmood laga joogo hadallo hanjabaad iyo cambaareyn isugu jira oo ka soo yeedhay madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Masar oo wada-jir shir-jaraa’id ugu qabtay Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar.

Madaxweynaha Soomaaliya oo u warramay warbaahinta Carabta, waxa uu Dowladda Ethiopia ugu baaqay inay ka laabato heshiiska dhexmaray Somaliland, taas beddelkeedana ay iyagu u hayaan ama siinayaan Afar ilaa shan dekeddood.

Haseyeeshee, hadalka ka soo baxay Dowladda Ethiopia oo ku soo beegmaya xilli lagu gudo-jiro diyaar-garowga shirweynaha 37aad ee Ururka Midowga Afirka oo badhtamaha Febuary ka furmi doona Addis Ababa, ayaa jawaabo cad u ah isla markaana u quusnaya dhawaaqyada ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya iyo xulufadiisa dalalka Carabta.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net