DHACDOOYINKA MASIIRIGA AH EE U BAAHAN IN KULMIYE TIRADDA KU DARSADO

“Dulin iyo qaniin baa

Igu deeddamaayoo

Dalooshuu is leeyahay

Ninba meesha ugu dagan

Ee dubkayga tuunbada

Degdeg looga sudhan karo.” Abwaan Gaarriye- Daba-taxan

 

Musharaxiinta Madaxweynenimadda  xisbiga KULMIYE waxay ku heshiiyeen inay si xalaal ah u baratamaan. Waana dariiqa kaliya ee u furnaa inay turxaan la’aan ku tartamaan oo shirka shanaad ee Golaha dhexe ku qabsoomo jawi nabadeed iyo doorasho xalaal ah.

Waxaana  Shookaanta  qaban-qaabada shirkaas la wareegtay guddi ka kooban shan xubnood,   oo  kala ah  saddex  ka mid ah Guddoomiye Ku Xigeenadda xisbiga, Xoghayaha Guud iyo Wasiirka Gaashaan-dhiga oo oday  miiska juuriga u fadhiya looga dhigay.

Guddidan lagu wada qancay waxaa  waajibaadkooda ugu weyn inay qodax-tiraan saaxadda lagu tartamayo iyo inay xubnaha  Golaha Dhexe ee KULMIYE u diyaariyaan kaadhadhkoodii aqoonsiga.

 Tiradda Kuraasida lagu tartamayo:

Maalinta u horeysa ee shirka Golaha dhexe ee KULMIYE,  waxaa  lagu  dooran doonaa Hoggaanka Golaha dhexe ee KULMIYE,  saddex xil oo kala ah Guddoomiyaha Golaha Dhexe, Guddoomiye Ku xigeenka Golaha Dhexe iyo Xoghayaha Golaha Dhexe.  Saddexda  masuul ee loo dooranayo Hoggaanka Golaha dhexe, waa masuuliyiinta  Hoggaaminta iyo u xaq-soorida murrashaxiinta  Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga u metali doona doorashadda lagu wado inay qabsoonto 28-ka March 2017-ka.

Guddoomiyaha Golaha dhexe waxa loo geli doonaa tartan adag, waayo  Murrashaxiinta madaxweynenimadda  KULMIYE waxay si gaar ah  indhaha ugu hayaan saddexda xubnood ee noqonaya Hoggaanka Golaha dhexe.

Guddoomiyaha Golaha dhexe  Illaa imika inta la og yahay waxa mansabkaasi u taagan Guddoomiyihii hore ee Golaha dhexe Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac-shabeel), Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (C/Raxmaan Dheere) Iyo Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa  oo horena u ahaa Guddoomiye Ku-xigeenkii Golaha dhexe.

Waxa isna todobaadkan kordhay murrashaxiinta u cararaya murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenka xisbul-xaakimka, waxaana  jagadaas  u loolamaya  Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Caafimaadka Somaliland  Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye), Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda  Cabdilaahi Ibraahim Habbane iyo Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta Sare Faarax Cilmi Geedoolle.

Murrashaxa madaxweynaha cid cusubi kuma soo kordhin waxa se hirdankoodu shaaricyadda yimid Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Axmed  Cabdi Kijaandhe iyo Cabdicasiis Maxamed Samaalle, hase yeeshee waxa  afartooda loolanka ugu adag ku jira Gudoomiyaha KULMIYE  iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Mushkiladda Hanaanka Codbixinta  Shirka Golaha Dhexe:

Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE waxay noqonayaan  400 iyo dheeraad xubnood. Waa tiro aad u badan oo ay ahayd inay intaas ka yaraato,  habase ahaatee’  waxaa  Guddidan agaasimaysa shirka looga fadhiyaa inay  xal u raadiyaan mushkilad iyo  fadeexad weyn oo maalintaas madasha ka muuqan karta.

Fadeexadaasi  waxay noqon kartaa sida afartaas Boqol codbixintoodu  looga geyoon doono.    Ma waxay noqonaysaa gacan taag? Ma waxay noqonaysaa qarsoodi? Xisbi yahan ka tirsan Golaha Dhexe  KULMIYE  ayaa ii sheegay in xeerkoodu dhigayo in codbixintu noqoto gacan taag.

Haddaba, qoddobka   u baahan in xisbigu sii axadho sida loo sugayo tiradda codbixiyeyaasha Golaha dhexe ee maalintaasi iyo sida ay u noqon karto mid hufan (transparency).  Waxa keliya ee xisbigu mushkiladaas kaga dabaalan karaa iyadoo codbixintu noqoto qarsoodi oo Quraarad weyn oo cad oo qufulan lagu codeeyo, ka dibna markay dhammaato codbixintu Guddoonka shirku iyagoo kaashanaya wakiiladda tartameyaasha  ay warqad-warqad u soo saaraan ka dibna ku dhawaaqaan  magaca Musharaxa ku qoran.

Tusaale ahaan  waxaynu  arrintan kaga dayan karnaa hanaanka loo qabto doorashooyinka Soomaaliya ee TV-yadda  aynu ka daawanno. Waxayse qaddiyaddani  u baahan tahay in shirka laga ansixiyo in qoddobkaas wax ka bedal lagu sameeyo.

Haddiiba ay dhici weydo  waxa iman doona shakiyo iyo in aad loogu noqnoqdo tiradda codadka  murrashax waliba helay, waana mushkilad ay tahay in ciddii qaban qaabinaysa shirka Golaha dhexe tiradda ku darsato oo ay ku sii xisaabtamaan.

 Waajibaadka Xubnaha Golaha Dhexe:

Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, waxa laga doonayaa inay ku shaqeeyaan xisbinimo oo ay codkooda ku bixiyaan si daacadnimo iyo lexjeclo ku jirto. Waxaan uga socdaa in aanay codkooda ku bixin  beelnimo iyo dufan raadis ee waa inay codkooda siiyaan murrashixiinta u eegaan sifooyinka Hoggaamiyenimo, bisaylkooda, waayo aragnimadooda iyo sida ay qadiyadda Somaliland u iibgeyn karaan.

Waxa kale oo lagama maarmaan ah inay ka fikiraan inay soo saaraan murrashax dadweynaha Somaliland beri ka maalin cod ka heli kara oo aan lahayn iimo siyaasadeed,balse leh karti uu Somaliland dawladnimadeeda wax ku kordhin kara. Inay ka qorshaha ku darsadaan in murrashaxa ay dooranayaan uu noqdo mid  aan istaraatajiyadiisu dhaqaalaha dalka wax ku kordhinaya, mid shaqo abuur samayn kara, mid aqoonsiga dalka jihada uu u marayo yaqaana. Mid aan Tallada dalka aan la jeesaynaynin  oo dhibirsan isla markaana ummadda iraadadooda dhegaysan kara!.

Saamaynta Dambe Ee Shirka Golaha Dhexe Iyo Doorashooyinka  Sannadka 2017-ka:

Dad badan oo siyaasadda lafo-gura, ayaa aaminsan in shirka Golaha dhexe ee KULMIYE ay ahayd inuu la jaan-qaado Muddaynta doorashooyinka  Madaxtooyadda iyo Golaha Wakiiladda, waxa dadka sidaas qabaa ay ku doodayaan in ay ahayd in haddii madaxweynuhu uu is sharaxayo iyo haddii kaleba inay shirka Golaha dhexe ee KULMIYE   qabsoomo bisha January sannadka 2017-ka, iyadoo sidaas loo yeelayo in la ilaaliyo karaamadda xukuumadda iyo wada-jirka xisbiga.  Haddii shirka Golaha dhexe qabsoomo 10-ka Bisha fooda innagu soo haysa ee November, oo la doorto murrashax madaxweyne oo aan ahayn Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxay xukuumaddu noqonaysaa mid ku meel gaadh ah. Taasina waxay hoos u dhigi kartaa  isku xidhnaantii wada shaqeyneed ee waaxaha dawladda.

Murrashaxa Cusub Iyo Raadadkii Madaxweynaha:

Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE ku guulaystaa waa inuu  kaalin-geliyo oo uu sii xoojiyo mashaariicda iskaa wax u qabsadda ah ee uu curiyay madaxweyne Siilaanyo,  ee  ay ka dhasheen dhismeyaasha wadooyinka waaweyn ee ka socda gobolladda Somaliland.  Iyadoo  jidadkaasi u tisqaadeen markii xukuumaddu la timid siyaasad ku dhisan in bulshaddii 5km oo laami ah samaysataba ay ugu darayaan 5km oo kale.

Gebo-gabo:

Soomaalidu waxay tidhaadaa garri laba nin kama wada qosliso, waana sune dabiiciya iska  ah in tartan kasta   uu qof ku guulaysanayo, qofna laga dheereeyayna uu jirayo, waxase daruuri ah in marka sheekadu dhammaato loo wada shaqeeyo sidii hal koox oo leh hal bartilmaameed oo qudha.

 

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com