Ciidanka Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku dhigay Nin Gaadhi Jiidhsiiyey Hooyo Umul Ah

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay nin darawal ah oo gelinkii hore ee Salaasada maanta galbeedka magaalada Hargeysa ku jiidhay Hooyo Umul ah oo shilkan u geeriyootay.

Sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska, eedaysnaha dhacdadan loo haysto oo lagu magaaabo Axmed Ibraahim Muxumed oo 40-jir ah, ayaa ka tirsan Darawallada Gaadiidka Dowladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa.

“Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu bulshada u caddaynayaa inuu gacanta ku hayo eedaysane Axmed Ibraahim Muxumed 40jir ah oo saaka ku jiidhay degmada Gacmo-dheere ee Magaalada Hargaysa Hooyo umul ah. Eedaysanaha ayaa kamid ahaa darawallada gaaddiidka ee Dawladda Hoose Hargaysa,” sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska oo intaas ku daray, “Ciidamada Boolisku waxay markiiba ka hawlgaleen oo ay gacanta kusoo dhigay Edeysaneaha iyo gaadhiigaba waxaanay ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska. waxaanan sida ugu dhakhsaha badan loo horgayn doonaa sharciga.”

Ugu dambayn, Taliska Ciidanka Booliska Somaliland waxa ay tacsi u direen Ehelkii iyo Qaraabadii Marxuumaddu ka baxday. “Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu murugada la qabsanayaa ehelkii marxuumadaasi ka geeriyootay , waxaanan alle uga baryaynaa inuu naxarisitii janno haka waraabiyo,” ayaa lagu yidhi yidhi war-saxaafadeed kooban oo lagu baahiyey Ciwaanada baraha Bulshada ee Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhacdadan sababtay geerida Haweenaydan, ayaa qabsatay baraha bulshada iyadoo dadweynuhu arrintan si weyn ugu dhaliileen maamulka Dowladda Hoose ee caasimadda, kaddib markii sida la sheegay goobta shilku ka dhacay lagaga tagay meydka hooyada geeriyootay oo darawalka Jiidhay iyo maamulka Dowladda Hoose ee dhacdadan aanay masuuliyad iska saarin meydka marxuummadda.

Eedaysanaha falkan loo haysto, ayaa ka mid ah Shaqaalaha Dowladda ee Hargeysa oo xilligaas ku gudo-jiray Howl-gal bulshadu sharci-darro ku tilmaantay oo xaafadaha caasimadda lagaga ururiyo Adhiga ay dhaqdaan dadka magaalada.

Shaqaalaha dowladda Hoose ayaa soo ururiyah Riyaha Xaafadaha magaalada, waxaanay isugu geeyaan xero ku taalla Dooxaha Hargeysa, halkaas oo Lacago madax-furasho ah lagaga ururiyo dadka Xoolaha Iska leh.

Tallaabada dowladda Hoose kaga ururiso Xoolaha oo lagu tilmaamay qorshe caasimadda lagaga sifeynayo xoolaha si kor loogu qaado bilicda Hargeysa, ayaa isu beddelay xeelad ganacsi oo dadka xoolaha leh madax-furasho lagaga qaado.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net