Ciidamada Federaalka Ethiopia oo la wareegay Gacan-ku-haynta Caasimadda gobolka Tigray iyo Wararkii u dambeeyey

 

Addis Ababa (SLpost)- Ciidamada Federaalka Itoobiya ee Ethiopia, ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigreey ee dalkaas, sida lagu sheegay qoraal kooban oo Raysal-wasaare Abiy Ahmed soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Magaalada Mekelle waxa saacadihii u dambeeyey ka dhacayay duqeyn ba’an, sida ay sheegeen warar laga helay saraakiisha hay’adaha gargaarka oo ku sugan magaalada xilli hore oo maalinimadii Sabtida maanta ah.

Ciidamada Booliska federaalka waxa ay sii wad-doonaan ka shaqeynta sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa xubnaha jabhadda xoreynta shacabka Tigray (TPLF). Kumanaan katirsan Saraakiisha Taliska Woqooyi ee Milatariga dalkaas oo kooxda TPLF gacanta ku haysay ayaa waa lasii daayay sida uu sheegay Raysal-wasaare Abiy.

Sida uu shegay Raysal-wasaare Abiy, Gegada diyaaradaha, xarumaha bulshada, xafiiska maamulka gobolka iyo xarumaha kale ee muhiimka ah waxaa gacanta ku haya Ciidamada Federaalka. Raiisel wasaaraha ayaa u mahadceliyay shacabka Tigray, wuxuuna carabka ku adkeeyay in howsha xigta ee muhiimka ah ay ka shaqeynayso sidii dib loogu dhisi lahaa wixii burburay.

Dagaal qadhaadh ayaa ka qarxay Mekelle Sabtidii maanta oo noqonaysa laba maalmood kadib markii Abiy uu ka digay in dalku galay wajigii ugu dambeeyay ee hawlgal militari oo ka socda gobolka woqooyiga Tigree ka dib muddo 72 saacadood ah oo loo qabtay.

Hogaamiyaha Jabhadda Xoreynta Dadweynaha Tigreega (TPLF) Debretsion Gebremichael ayaa dhankiisa xaqiijiy duqeynta ciidamada Milatariga federaalka Itoobiya ku bilaabeen caasimadda Tigray, sida uu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters oo fariin qoraal ah uu u diray.

Af-hayeenka xafiiska ra’iisal wasaraha, Billene Seyoum, ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya aanay “duqaynayn” goobaha rayidka ah, waxaanay intaa ku dartay in “bedqabka dadka rayidka ah ee reer Itoobiya ee ku nool Mekelle iyo gobolka Tigray tahay arin mudnaan u leh xukuumadda federaalka”.

Debretsion ayaa sidoo kale ku eedeeyey ciidamada dalka ay jaarka yihiin ee Eritrea in ay weerareen xeryo qaxooti oo ku yaal gobolka Tigray si ay u qabqabtaan qaxooti hore uga soo qaxay Eritrea.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net