Afhayeenkii Madaxweynaha Somaliland oo Xilka Iska casilay

 

Hargeysa (SLpost)- Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaas, waxaanu ujeeddada uu shaqada uga tagay ku sababeeyey kaddib markii uu go’aansaday inuu ka qayb-qaato tartanka Doorashada Golaha Wakiillada.

Maxamuud Warsame Jaamac oo maanta warbaahinta la hadlay, waxa uu sheegay inuu u tartamayo ka mid noqoshada mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, isagoo iska soo sharrixi doona Gobolka Sanaag oo uu u meteli doona Golaha Sharci-dejinta ee dalka.

Muuqaalka Hoose kaga boqo hadalka Afhayeenka madaxtooyada Somaliland