“Qodobka dabarka ku ahaa dhalinyaradu wuxuu I saameeyay 2002-dii waana guul weyn oo la gaadhay”

Hargeysa, (SLpost)- Xeerka doorashooyinka goleyaasha deegaanka Somaliland ayaa muddo badan dabar ku ahaa in ay dhalinyaradu ka qayb galaan siyaasada dalka, gaar ahaana ka mid noqdaan xildhibaanada golaha deegaanka.

Dabarkasi  ayaa hada meesha ka baxay ka dib markii ay dhawaan golaha wakiiladu meel mariyeen kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyay xeerkaasi, kaasi oo markii hore dhigayay in ay xildhibaanada golaha deegaanka cida isu soo sharaxaysa  ay da’diisu ahaato shan iyo sodon jir iyo wixii ka wayn, halka xeerka ay dhawan galaha wakiiladu ansixiyeen dhigayo in ay ka qayb geli karaan da’da ah shan iyo labaatan jir.

Ka dib markii ay golaha wakiilada Somaliland xeerkaasi meel mariyeen ayaa dhalinyarada Somaliland si wyn u soo dhaweeyeen isla markaana waxay rejo ka muujiyeen in ay ka qaayb geli doonaan siyaasada dalka, maadaama oo xeerkii hore wax laga bedelay.

Xasan Maxamed C/laahi  oo ka mid ah dhalinyarada hore u dabray ee xeerka doorashooyinka Goleyaasha deegaanka sanadkii 2002-dii ee da’dii xeerkaasi tilmaamay ay ka reebtay inuu ka mid noqdo murashaxiintii  ayaa dhalinyarada reer Somaliland ugu baaqay  in ay  si wayn isugu diyaariyan sidii  ay ugu soo bixi lahaayeen doorashada goleyaasha deegaanka ee soo socota, mar haddii ay golaha wakiiladu ansixiyeen xeerkii dabarka ku ahaa in ay dhalinyaradu ka qyb qaataan siyaasada dalka.

Xasan Maxamed C/laahi waxa uu golaha wakiilada Somaliland ku hambalyeeyay ansixinta xeerkasi oo uu sheegy in uu muddo badan dabar ku ahaa dhalinyarada reer Somaliland, sidoo kale waxa uu ururka dhalinyarada Somaliland ee SONYo ku hambalyeeyay doorkii wax ku oolka ahaa ee ay ka qaateen sidii ay golaha wkiiladu u meel marin lahaayeen xeerkaasi.

Xasan Maxamed oo maanta waraysi gaar ah ay la yeelatay shebekada wararka ee Somaliland.org,   waxa uu yidhi  “Waxaan halka uga dirayaa baaq taageero iyo hambalyo isugu jira dhamaanba dhalinyarada reer Somaliland, kuwaasi oo ay tahay maanta runtii in ay si wayn ugu sara kacaan sidii xubnaha golaha deegaanka ee wadanka oo dhan ay ugu soo bixi lahaayeen dad dhalinyaro ah, oo aqoon yahan ah, maxaa yeelay markii hore waxaa jiray xeer dabrayay  laakiin maanta wax alla wax dabrayaa ma jiraan, xeerkii dabarka ku ahaana waa laga jaray, kaasi oo muddo badan ina hor taagnaa.”

Xasan Maxamed C/laahi, Waxa kale oo  uu ka waramay sida ay maanta dhalinyarada Somaliland  u haystaan fursad ay kaga faa’iidaystaan sidii ay uga mid noqon lahaayeen dadk ay talada dalku ka go’do. “Aynu maanta u kacno si aynu isku kaashano oo aynu gacmaha isku qabsano una soo dhawayno, ugana midho dhalino si aynu uga mid noqono dadka  ay talada wadanku ka go;do, taasi oo maanta ifafaaleheedii inoo muuqdo, golaha wakiiladana aad iyo aad ayaanu ugu hambalyaynaynaa xeerkaa ay dabarka ka gooyeen iyo intii kale ee ka soo shaqaysayba oo ay ugu horayso dalada dhalinyarada Somaliland ee SONYO”. Ayuu yidhi Mr  Xasan. Waxa kale oo sheegay in xeerkani uu muddo badan dhalinyarada  dabar ku ahaa, gaar ahaana uu isaga si gaar ah u reebay mar uu isku deyay in uu ka qyb galo markii lagu jiray  doorashadii golaha deegaank sanadkii 2002-dii, waxaanu yidhi “Xeerkan oo in badan dabrayay dhalinyarada reer Somaliland oo weliba aniga  ahaan waxaan isleeyahay waxaad tahay qofkii ugu horeeyay ee dhalinyaro ah ee uu xeerkaasi dabro, waxaa jirtay wakhtigii doorashada golaha deegaanka la gelayay sanadkii 2002-dii aniga oo ka tirsanaa xisbiga UDUB, waxaanan ka codsaday in la igu daro xildhibaanada golaha deegaanka, waxaan CV-yadii u keenay xoghayihii gobolka  ee xisbiga UDUB labadii qodob ee  la igu xidhay waxay ahaayeen in aan marka hore bixiyo hal milyan oo Somaliland shilling ah, oo deebaaji ah iyo in ay qofkaasi u codeeyaan konton qof deegaanka uu ka sharaxan yahay, hadaba shuruudii ugu adkayd waxay ahayd ta dhinaca da’da arrintaasina muraara dilaac ayay igu noqotay.”

Waxaanu intaasi ku daray  “Tii maanta waa la gooyay laakiin tukale  ayaa ina hortaala oo ay ka mid tahay qabiilka iyo qof jeclaysiga, marka aynu eegno golaha wakiiladu waxay ansixiyeen in golaha deegaanka  sida lagu soo tartamayaa ee uu xeerku dhigayaa in ay tahay in xildhibaanadu u soo tartamayaan qof-qof, marka aynu eegno ninkii dhalinyarada ahaa ma haysto cid taageerta, cid dhaqaale ku taageerta, dadkii  kale ee u codayn lahaaba, maxaa yeelay dadkeenu qof magac wayn oo kaaba qabiil ah ayuun bay doortaan, laakiin ninka dhalinyarada ah ee da’diisu tahay shan iyo labaatan jir  iima muuqato in uu helayo cid taageerta, laba ayaan daran ayay yihiin dhalinyarada iyo haweenkuba,  waana dadka ugu badan inta codaysa, laakiin dhalinyaraduna waa in ay dhalinyarada doortaan oo aynu jabinaa labadaa dabar ee aan sharciga ahayn ee ay dadkeenu sharciga ka dhiganayaan, eek ala ah kaaba qabiilka iyo qof jeclaysiga, dadkana  waa in laga wacyi geliyaa oo dhalinyarada kaaba qabiilnimada laga daayaa, waxaanan dhalinyarada reer Somaliland leeyahay maanta waa in aynu u diyaar garawnaa doorashadaasi goleyaasha deegaanka, ururaduna waa in aanay dhufayska nagaga bixine  waa in aynu la xisaabtanaa.” Ayuu yidhi  Xasan Maxamed C/laahi.

Ugu dambayntii  waxa uu u soo jeediyay sadexdii xisbi qaran ee hore u jiray iyo urur-siyaasadeedyada cusuba inay Guddiyada Fulinta iyo Golaha dhexe ee xisbiyadooda ay dhalinyarada ka siiyaan jagooyin badan.