Somaliland Oo Kililka Shanaad Ee Itoobiya Ku Wareejisay Askar Liyuu Boolis Ah Oo Xadka Soo Galay

Hargeysa (SL.Post) Ciidamada Booliska Somaliland ayaa shalay ciidamada Liyuu Booliska ee dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ku wareejiyay shan askari oo ka tirsan ciidanka Liyuu Booliska ee dawladaas iyo laba qof oo kale oo midi ahaa darawalkii Liyuuga u waday baabuurka.

Ciidamada Booliska, ayaa ciidamada Liyuu Booliska oo watay baabuur ah nooca loo yaqaano 1H, waxay ka soo qabteen xuduudka Koonfurta gobalka madoori-jeex  ka dib markii sida lay sheegay ay ciidankani ku soo gudbeen xuduudka Somaliland. Kooxdan Liyuu Booliska ayaa sheegay inay si khalad ah uga soo gudbeen xadka Somaliland, waxaana loo soo dhaadhiciyay caasimadda Hargeysa.

Hase yeeshee, wada hadal ka dib saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland ayaa shalay casarkii saraakiil ka tirsan ciidanka Liyuu Booliska ee degmada Wajaale ku wareejiyay askartii ay qabteen iyo baabuurkii ay wateen, waxaanay talaabadani ka mid tahay wada shaqaynta ka dhaxaysa dawladda Somaliland iyo dawladda Itoobiya.

 

Somalilandpopst.net