Magacyada iyo Beelaha Xubno Somaliland u dhashay oo lagu daray Wasiirrada Cusub ee Soomaaliya

Muqdisho (SLpost)- Raysalwasaaraha Soomaaliya ee dhowaan la magacaabay Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke, ayaa saqdii dhexe ee xalay ku dhawaaqay liiska golaha Wasiirrada Xukuumaddiisa, waxaanu xilal wasiirro ah uga magacaabay siyaasiyiin iyo shakhsiyaad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.

BeyleXubnahan u dhashay Somaliland ee xilalka looga magacaabay dawladda Soomaaliya oo tiradoodu dhan tahay Lix Xubnood oo isugu jira Wasiirro, Wasiirul-dawlayaal iyo wasiir Ku-xigeenno, ayaa dhalasho ahaan ka soo kala jeeda gobollada Awdal, Maroodijeex, Togdheer, Sanaag iyo Sool.

Magacyada Wasiirrada

1- Maxamed Cumar Carte Qaalib,   Raaysalwasaare ku xigeen, ISAAQ/ Habar Awal

2- Cabdirahman Beyle, Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamka, SAMAROON/B.Carfaan
3- Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka Korontada iyo Biyaha, ISAAQ/Habarjeclo.
4- Cabdalla Boos Axmed, Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta, ISAAQ/ Habaryoonis

5-Cabdillahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta, HARTI/Warsengeli.
6-Daa’uud Maxamed Cumar Bisle, Wasiirka Macdanta iyo Batroolka, HARTI/Dhulbahante.

Wasiir-dawlayaasha

  1. Maxamed Cali Xagaa, Wasaaradda Gaashaandhigga, Ciise/Furlabe

Wasiir Ku-xigeenada 

  1. Siciid Jamac Maxamed Qaalib, Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, ISAAQ/Ciidagale.
  2. Cabdixakiim Cige Guuleed, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, SAMAROON.
  3. Jamaal Xasan Ismaacil Wasaaradda Sportiga iyo Dhalinyarada, Isaaq/Arab.
  4. Xaamud Cali Xasan Wasaaradda Waxbarashada, CIISE.

SOMALILANDPOST.NET