Lammaane Umadda Soomaaliyeed Fankooda ka daba-dhacday oo ka hadlay Weerar Qaawan oo Dhismaha Qoyskooda loola Badheedhay

London (SLpost)- Lamaanaha Caanka ee umada Somaliyeed fankooda ka daba-dhacday ee ee Mursal Muuse Cumar iyo Xaaskiisa Khadra Cabdi Silimo oo dunida si weyn looga yaqaano, ayaa wax laga xumaado ku in shakhsiyaad noloshooda xaasid ku ahi ay shaqo ka dhigtaan inay warar been-abuur ah ka faafiyaan dhismaha Qoyskooda.

Maareegaha Soomaalida Qaarkood, ayaa muddooyinkii u dambeeyey lagu baahinayey warar been abuur ah oo lagu sheegay inay Kala-tageen Lammaanaha Mursal Muuse iyo Khadra Silimo, taas oo fejeciso iyo lala yaabo ku noqotay markii ay arkeen warkaas oo ay sheegeen in aanay garanayn cid ka baahisay iyo ujeeddada laga leeyahay toona.

LAMMAANEShakhsiyaadka aan la aqoonsan ee wararka been-abuurka ah ka baahiyey Lammaanaha Is-qaba, ayaa marka laga yimaaddo inay ku xad-gudbeen Xuquuqda Qoyskooda, waxa kale oo ay ku kaceen falal ay been-abuur iyo fadhataysi lagu sameeyey qaybo ka mid ah Heesaha ay qaadaan, waxaana ugu dambeeyey hees ay Qaaddo FANAANAD Khadra Silimo oo laba Bilood ka hor ay ka soo saartay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka oo Labadoodu kuwada sugnaayeen.

Heestan oo la dhalan-geddiyey isla markaana micnihii ay lahayd inta dib loo sameeyey laga beddelay, ayaa dadka wararkan ka baabiyey ku sheegeen in midhaheedu ka hadlayaan khilaaf soo kala dhex-galay lammaanahan oo ka mid ah Da’yarta Heesahooda iyo codkooda loogu jecel yahay.

Mursal Muuse oo khadka telefonka kula soo xidhiidhay shabakadda caalamiga ah ee Rasmimedia.net, ayaa sheegay in warkani lama-filaan iyo fejeciso ku noqday markii ay maqleen, waxaanu iftiimiyey inay ka dambeeyaan shakhsiyaad xaasid ku ah jacaylkooda. Fannaanku waxa uu sheegay inaanu garanayn waxa ay shakhsiyaadkaasi ka faa’idayaan wararka been-abuurka ah oo lagu weeraray dhismaha qoyskooda.

“Waxaanu umadda Soomaaliyeed u sheegaynayaa inaanu nahay Qoys is-jecel oo ku faraxsan nolosha aanu wadaagno iyo qoyskayagaba. Waxaanu umadda u sheegaynaa inaanay dhegaysan dadkaas xumaha u badheedhay oo runtii aanaan garanayn waxay ka faa’idayaan,” ayuu yidhi Mursal Muuse.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Wa dad shaqo kale waayey oo ka xishoon waayey bisha cibaadada ee Ramadaan inay u badheedhaan xumadaha intaas le’eg. Illaahay ka baqa oo cirdigiinna iyo Aakhiradiina u tudha, ayaanu leenahay.”

Dhacdadan ayaa noqonaysa markii labaad ee sidan oo kale weerar lagu qaado Qoyska lammaanahan, sida uu sheegay Mursal, “Waa Markii labaad ee beentan nalaga sameeyo oo ay muddo dhowr sano ahi udhaxeysey. Waxaanu idin leenahey dadkaasow war-xumo tashiilka wadow Akhiradiina u tudha, Reeraha Dhisan ee umadda ha duminina’e,” ayuu yidhi Mursal Muuse.

HALKAN KA DAAWO HEESTA MICNAHEEDA LA MARIN HABAABIYEY

XIGASHO: Rasmi Media