Guddoomiye Cirro Oo Sheegay Qoraalkii Madaxweynuu u Soo Gudbiyay In Ay Ku Cadahay Inay Heshiiska Kiraynta Haamaha Ay Galeen

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa difaacay mooshinkii uu galahu ku laalay kiraynta haamaha shidaalka, waxaanu sheegay in madaxweynuu qoraalka uu u soo gudbiyay ay ku cadahay inay galeen heshiis aan dhamaystirnayan.

waxa uu guddoomiye Cirro mar kale ku celiyay in galahu uu ka fadhiisan doono arintan, waxaanu sidaas u sheegay mar laanta Afka Soomaaliga ee BBC ay waraysi ka qaaday, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxa ku qoran Qodob tilmaamay Madaxwaynu waxa uu soo celin karaa mashruuc sharci,hadii uu ku qanci waayo 21maalmood gudahood,hasayeshee dastuurka kuma qorna kumana xusna go’aan gole inuu madaxwaynahu soo celin karo,qodobka 12tobnaad farqado badan ayuu ka kooban yahay,taas madaxwaynu cuskaday waa qodob jira in ay kirayn karaa,laakiin sida sharciga ah ayay u kirayn karaan.”

intaas waxa uu ku daray cabdiraxmaan ciro.”Farqad kale oo xeerkaasi ka mid ahi waa farqada shanaade waxa ay tilmaamaysaa hadii lawareejinayo hanti am la isticmaalayo waa in loo maraa xeer taas horena waxa ay sheegaysaa in xeer loo maro,Farqada 2aad ee madaxwaynahu cuskaday isla xeerkaasi waxa ay tilmaamysaa waa qodobka 12tobnaade waxa ay tilmaamaysaa in masuuliyada ilaalintu saran tahay xukuumada iyo shacabkaba. Sidaas daraadeed waxa muhiim ah  marka Hore in Ay Xukuumadu Ama Madaxwaynahu Soo sameeyaan  Xeerkii Hantida Qaranka Si loo fuliyo Qodobada Dastuurka ku jira,waxaanu leenahay tartan furan haloo maro Xeerkii Xukuumadu Hasoo samayso,Sidaas aynu dastuurka ku waafajino.”

Cirro waxa uu sheegay in heshiiska badh ay xukuumadu gashay sida uu madaxweynuu qoraalkiisa ku sheegay.”Madaxwaynahu waa uu sheegay waxaana uu yidhi heshiisku madhamaystirna,markaas in ay heshiis galeen waa uu sheegay,markaas Warqadiisana way ku caday inuu heshiis jiray.

Guddoomiye Cirro waxa uu iska fogeeyay in xisbigiisa Waddani uu arinta ka soo shaqeeyay“Arintaasi waxba Kama jiraan Go’aan Golahu ku midaysan yahay Ayuu ahaa Shan iyo Konto Mudane ayaa jiray inta Badani kulmiye ayay ahayd inta Codaysay Kulmiye ayaa u badnaa,lakiin Go’aan uu golahu ku qaybsanaa muujirin Axsaabtna ugu qaybsanaa.”