Dhagaysiga Dacwada Badda Ee U Dhaxaysa Somalia Iyo Kenya Oo Maalintii Labaad Gashay

epa04605701 Judges (no names available) during the sworn-in as judge by the The International Court of Justice in the Peace Palace in The Hague, The Netherlands, 6 February 2015. The ICJ elected five new judges in November for a nine year term. EPA/REMKO DE WAAL

Holland (SL.Post) Waxaa Maalintii labaad galay dhagaysiga Dacwada ka socota Maxkamadda caalamiga ah ee Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ee la xidhiidha Muranka Soohdin Badadda ee u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya.

epa04605701 Judges (no names available) during the sworn-in as judge by the The International Court of Justice in the Peace Palace in The Hague, The Netherlands, 6 February 2015. The ICJ elected five new judges in November for a nine year term. EPA/REMKO DE WAAL
epa04605701 Judges (no names available) during the sworn-in as judge by the The International Court of Justice in the Peace Palace in The Hague, The Netherlands, 6 February 2015. The ICJ elected five new judges in November for a nine year term. EPA/REMKO DE WAAL

Somaaliyaa Maxkmadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ka hor jeedin doontaa dooddeedda ku saabsan muranka Badda, kaddib markii Kenya ay shalay soo bandhigtay qodobbada ay ku doodayso, waxayna xoogga saartay in dib loogu noqdo Heshiiskii is-af-garadka ahaa ee Kenya iyo Soomaaliya ay kala Saxeexdeen sannadkii 2009-kii.

Sidoo kale, dhagaysiga dacwaddan ayaa khuseysa diidmada ka timid dalka Kenya ee ay ku doodayso in Maxkamadan aanay awood u lahayn inay xaliso murankan Badda ee u dhexeeya dalkeeda iyo Soomaaliya.

Labada dal waxay sheeganayaan lahaanshaha xudduud badeedka cabirkiisu yahay 142,000 oo KM oo laba jibbaaran, sidaas darteedna Somalia ka dalbatay Maxkamada inay xadayso xadduuda Badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah, waxaanay Kenya su’aal galisay awoodda ay Maxkamaddu u leedahay inay qaado dacwaddan oo ay sheegtay inay ka baxsan tahay xeerarka xayndaabkeeda shaqo.

 

 

Somalilandpost.net