Dalka Iran oo Ku biiray Waddamada Diyaaradaha Dagaalka ugu Deeqay CIRAAQ

Baqdaad (SLpost)- Dawladda Iran, ayaa dalka Ciraaq ku wareejisay diyaaradaha Dagaalka noocya loo yaqaanno Sukhoi Su-25 si ay isaga caabbiyaan xoogagga Mucaaradka ah ee uu hoggaaminayo kooxda Islaamiyiinta ah ee ISIS oo qabsaday qaybo badan oo ka mid ah Galbeedka dalka Ciraaq

Waddanka Ruushka ayaa maalmo ka hor ugu deeqay dawladda uu hoggaamiyo Nur Almaliki diyaaradaha Dagaalka. Waxa kale oo dawladda Ciraaq diyaaradaha dagaalka u diray dalka Maraykanka oo la rumaysan yahay inuu dalkaas ka hawl-galiyey 300 oo isugu jira khubaro iyo ciidamada sida gaarka ah u tabobaran.

ciraaqWarka la xidhiidha diyaaradaha dagaalka ee dawladda Iran ku wareejisay Ciraaq, waxa ka hadlay Ururka Caalamiga ah ee ka faallooda istaraatajidaha adduunka ee xaruntiisu tahay magaalada London, kaas oo sheegay in dawladda Iran 01-dii bishan diyaaradaheeda ku daad-guraysay dalka Ciraaq.

Khabiir u hadlay Ururka IISIS ee xaruntiisu tahay magaalada London, ayaa sheegay in diyaaradah ay Iran ku caawisay dalka Ciraaq ay la mid yihiin noocyo ka mid ah Sukhoi Su-25 oo ay leeyihiin Ilaalada Kacaanka ee Iran.

Qaybo badan oo ka mid ah diyaaradaha noocan ah ayuu Saddam Xuseen u isticmaalay dagaalkii Khaliijka isla markaana ay isticmaali jireen ciidamada Cirka ee Ciraaq, kuwaas oo todoba ka mid u gacan-galay dalka Iran xilligaas, iyada oo ilaa xilligaas ay ka mid ahaayeen diyaaradaha ay ku hawl-galaan ciidamada Cirka ee Iran.

SOMALILANDPOST.NET