Xulalka Gobollada Maroodijeex iyo Daadmadheedh oo Isugu Baxay Final-ka Koobka Kubadda Cagta gobollada Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Gobolka Maroodijeex ayaa u gudbay ciyaarta Final-ka ee Koobka Kubadda Cagta ee Gobollada Somaliland, kaddib markii ay guul ka gaadheen kulan xiiso badan oo maanta garoonka Hargeysa Stadium ku dhexmaray xulka gobolka Gabiley.

Kulanka oo qayb ka ah wareegga Semi-finalka ee koobka gobollada oo maanta soo dhammaaday, ayaa labada xulba soo bandhigeen ciyaar wanaag dadkii daawanayay soo jiidatay iyadoo dhinac waliba doonayay inay guul ka gaadhaan ciyaarta.

Qaybtii hore ee Ciyaarta ayay gobolka Gabiley u suurto-gashay inay keensadaan goolkooda 1aad oo ay ciyaarta ku daadihinayeen ilaa laga gaadhay daqiiqadii 88-aad xilligaas oo wax weyni iska beddeleen ciyaarta, kaddib markii gobolka Maroodijeex keensaday goolkooda barbar-dhaca.

Natiijadaas ayaa sababtay in wakhti dheeraad ah lagu daro ciyaarta, haseyeeshee 30 daqiiqo oo ciyaarta lagu daray, labada xul midkoodna aanu wax natiijo ah keensan, waxa ciyaartu gaadhay gool-ku-laad xor ah (Penalty). Xulka gobolka Gabiley ayaa laga qabtay laba ka mid ah 5-ta gool-ku-laad ee loo asteeyey, halka xulka gobolka Maroodijeex dhashaday Afar ka mid ah goolashooda, waxaanay ciyaartu ku dhammaatay 4 – 2 oo ay guushu ku raacday xulka gobolka Maroodijeex.

Xulka gobolka Maroodijeex ayaa ciyaarta Finalka ee koobka Kubadda Cagta gobollada Somaliland la ciyaari doona Xulka gobolka Daadmadheedh oo rikoodheyaal ku reebay xulka gobolka Hawd oo ciyaar adag shalay dhexmartay.

Ciyaarta Finalka ee koobka Kubadda Cagta Somaliland, ayaa qabsoomi doonta Maalinta Isniinta ee bishu ku beegan tahay 16 November 2020-ka.

Xulka Maroodijeex, haddii uu ku guulaysto Koobka, waxa ay noqon doontaa markii 4aad ee ay hantiyaan Koobka gobollada Somaliland, iyagoo haysta tirada ugu badan Koobka gobollada, halka Xulka gobolka Daad-madheedh uu markii u horeysay soo gaadhay ciyaarta Final-ka koobka gobollada.

Toos u daawo Ciyaarta maanta Dhexmartay Xulalka gobollada Maroodijeex iyo Gabiley.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net