Xukuumadda oo Faahfaahisay Sababta loo Xayiray Soo-dejinta Gaadiidka Vitz-ka

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somaliland Cabdilaahi Abokor, ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta ay xukuumaddu u joojisay in la soo dejiyo ama dibadda laga keeno Gaadiidka Vitz-ka oo qayb laxaad leh ku leh adeegyada gaadiidka dadweynaha.

Wasiir Cabdilaahi Abokor oo maanta la hadlay warbaahinta, waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee soo-dejinta gaadiidka Vitz-ta loo xayiray tahay dhinaca Ammaanka iyo weliba shilalkooda oo badan.

Wasiirka waxa uu intaas ku daray oo sheegay inaanay xukuumaddu wali si rasmi ah u joojin oo aanay go’aan ka gaadhin isla markaana wakhti kooban fursad loo siinayo si kuwa Maraakiibta soo saaran u soo gaadhaan dalka.

Wasiirka gaadiidku waxa kale oo uu ka hadlaygo’aan kale oo todobaadkii hore ka soo baxay shirka golaha Wasiirrada, kaas oo dalka lagaga mamnuucay gaadiidka dhinaca bidixda ku leh shookaanta, waxaanu sheegay inaanu go’aankaasi wax saamayn ah ku lahayn gaadiidka hadda dalka ku sugan.

Hadalka Wasiirka oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net