Xukuumada Somaliland oo lagula taliyey inay Xidhiidh La Samayso Dalka Israa’iil iyo Sababta

 

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-Indho oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Xukuumada Somaliland u soo jeediyey inay Xidhiidh La Samayso Dalka Israa’iil si suuq loogu helo wax-soo-saarka dalka oo dhoofka Xoolaha Nooli ugu muhiimsan yihiin.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho waxa uu hadalkan ka sheegay fadhi uu yeeshay Golaha Guurtida Somaliland oo xildhibaannadu kaga doodeen siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dalka iyo Arrimo kale.

Muuqaalka Hoose ka Daawo Hadalka Xildhibaan Cabdiqaadir indho-indho uu kaga hadlay qodobkan