“Xisbiyada Mucaaraadku Waxay Raadinayaan Wixii ay Hore u Lumiyeen” ~ Xukuumadda Oo Shuruudo Hordhigtay Mucaaradka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa xisbiyada mucaaradka ku eedeeyey masuuliyadda khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashooyinka dalka.

Wasiir Cabdiqaadir Iimaan Oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka ee dalka ka qabtay Doorashadii madaxtooyada sannadkii 2017, waxa uu sheegay in xisbiyada mucaaradka ahi lumiyeen kalsoonida Shacabka kaddib markii ay ka soo horjeesteen natiijadii ka soo baxday doorashadaas oo uu sheegay in beesha caalamku ka markhaati kacday hannaankii ay u qabsoontay.

Wasiirka oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, waxa uu ku dooday in xisbiyada mucaaradku sabab u yihiin muddo-kordhinta labada sanno ah ee Golaha Guurtidu u sameeyey madaxweynaha Somaliland, kaddib markii sida uu sheegay ay xisbiyada mucaaradku ka gaabiyeen magacaabista xubnaha guddiga Doorashooyinka, taasina ay farsamo ahaan sabab u tahay dib-u-dhaca ku yimi Doorashooyinka madaxtooyada iyo Furista Ururrada.

Ka Daawo Muuqaalka Hoose