Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo laga helay Xannuunka Covid-19

BIDIX: Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Wasiirka Maalgeshiga ee Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Somaliland, ayaa laga helay Caabuqa Coronavirus ee sababta cudurka Covid-19.

Wasiirka Wasaaradda Maalgeshiga Maxamed Axmed Cawed iyo Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Technologyadda Dr Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi, ayaa labadooduba xaqiijiyey in laga helay xannuunka Covid-19 oo ay astaamihiisa isku-arkeen kaddib markii baadhitaan lagu sameeyey.

BIDIX: Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Wasiirka Maalgeshiga ee Somaliland

Wasiirka Maalgeshiga Somaliland ayaa jiritaanka warkan ku xaqiijiyey bartiisa Twitter xalay, waxaanu sheegay in baadhitaan lagu sameeyay kaddib la xaqiijiyey inuu qabo Xanuunka Covid-19, laakiin Xilligan uu Caafimaadkiisu wanaagsan yahay.

Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhiinta Dr Cabdiweli Suufi oo isaguna warbaahinta qaarkeed la hadlay maanta, waxa uu xaqiijiyey in baadhitaan kaddib laga helay xannuunka, balse xaaladiisa caafimaad wanaagsan tahay.

Guud ahaan Somaliland oo uu xannuunka Covid-19 si xawli ah ugu faafay, waxa laga helay 358 qof, waxaana u dhintay 22 qof. Ilaa immika waxa xannuunka ka bogsaday 48 qof.

Somalilandpost.net