Wasiirka Gaashaan-dhigga oo kulan la yeeshay masuuliyiinta hay’adaha dawladaha ee Gobolka Sanaag

Axmed Xaaji Cali Cadami

Ceerigaabo (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa maanta kulan kula yeeshay madaxda laamaha dawlada ee gobolka Sanaag magaalada Ceerigaabo.

Waxaa ugu horayn kulankaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal Geel-jire oo ka warbixiyay hawlaha shaqo ee laamaha dawlada iyo sida ay u wada shaqeeyaan, Waxa uu Gudoomiyuhu u mahadceliyay Ciidanka Booliska oo dar dar galiyay hawlaha nabadgalyo ee ay u xilsaaran yihiin gaar ahaan ayuu yidhi intii loo soo bedelay taliyaha cusub ee booliska gobolka.

Axmed Xaaji Cali Cadami

Waxaa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Wasiirada Gaashaandhiga Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami,Horumarinta Miyiga iyo deegaanka Maxamud Siciid Gacamey,iyo Wasiirul dawlaha Maaliyada Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) oo dhamaantoodba ku boogaadiyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka sanaag iyo madaxda laamaha dawlada sida hagar la’aanta ah ee ay qaranka ugu shaqeeyaan,waxaanay balan qaadeen in wixii duruufo ah ee ay u soo bandhigeen ay xukuumadu ku dadaalayso wax ka qabashadooda.

Waxaa kale oo weftigu booqdeen Jaamacada Sanaag University si ay ugu kuurgalaan baahiyaha ka jira waxaana halkaas hadal kooban ka jeediyay Wasiirul dawlaha Wasaarada Maaliyada Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) oo cadeeyay in deeqdii lacageed ee madaxweynuhu ku dhawaaqay markii uu xadhiga ka jarayay jaamacadan ay Wasaarada Maaliyadu dhamaystirtay .

Waxaa kale oo weftigan ka socda Xukuumadu ay xadhiga ka jareen Xarumaha Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka,Maaliyada,iyo Shaqada iyo Arrimaha bulshada.

Gabo-gabadii Wasiirul dawlaha Wasaarada Maaliyada ee Somaliland waxa uu kulan gaar ah la yeeshay madaxda iyo hawl wadeenada Wasaarada Maaliyada oo uu ku guubaabiyay in maadaama gobolka Sanaag uu khayraad kala duwan leeyahay ay xooga saaraan sidii ay u kobcin lahaayeen hawlaha dekhli soo xarayneed ee ay u xil saaran yihiin.

SLpost News