Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta oo Furay Shir lagu qiimeynayo Wax-qabadka Wasaaradda

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa maanta furay shir lagu qiimaynayo waxayaabihii wasaaradda u qabsoomay sannadkan sii dhammaanaya ee 2020 iyo gorfeynta odoroska qorshayaasha sannadka cusub ee 2021-ka.

Shirka oo saaka ka furmay Hoolka shirarka ee Wasaaradda, isla markaana ay ka qaybgaleen dhamaan agaasimeyaasha waaxaha iyo lataliyeyaasha Wasaaradda, waxa uu inta uu socdo diiradda lagu saari doonaa warbixinta waxqabadka waaxaha kala duwan ee Wasaaradda oo ay soo bandhigi doonaan Agaasime-waaxeedyadda Wasaaraddu. Waxa sida oo kale lagu lafa-guri doonaa qorshaha sanadka 2021 oo xoogga lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa ahdaafta Wasaaradda.

Shirkan ayaa masuuliyiintu warbixino kaga dhegaysteen agaasime waaxeedyada wasaaradaasi waxaana ugu horayn shirkaasi faahfaahin ka bixiyay agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Aadan Cabdilaahi Cabdalle, oo sheegay in shirkaasi yahay mid muhiimad weyn u leh wasaaraddaasi, iyada oo agaasime waaxeedyada wasaaradaasina ay halkaas ku soo bandhigeen warbixino la xidhiidha waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda sannadkan sii galbanaya iyo waxyaabaha qorshaysan ee loo baahan yahay sannadka cusub in la qabto.

Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in qorshihii sannadkan ee wasaaradda ay u qabsoontay boqolkiiba sagaashan halka waxyaabaha baaqdayna ay sabab u ahaayeen Cudurka Coronavirus, waxaanu u mahadnaqay masuliyiinta iyo hawlwadeenadda wasaaradda oo uu tilmaamay in ay shaqo muhiim ah soo qabteen, isaga oo wasiirka Diinta iyo Awqaafta intaas ku daray in masuuliyadda ugu weyni ay ka saarantay ilaalinta Diinta iyo ku dhaqankeeda bulshadana u soo jeediyey in meel looga soo wada jeesto wax kasta oo ka dhan ah Diinteena suuban.

Somalilandpost.net

contact@somaliladpost.net