Wasiir Siciid Sulub oo mar kale reer Oodweyne ugu baaqay inay la tartamaan Gobolka Gabiley

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa weedho dhiirri-gelin ah oo uu u jeediyey shacabka degmada Oodweyne mar kale tusaale ugu soo qaatay Gobolka Gabiley oo ay mataano yihiin isla markaana sida uu sheegay loolan iyo tartan ka dhexeeyo.

Siciid Sulub oo isaga iyo Wasiirro ka mid ah Xukuumaddu kormeereen Goobaha diwaangelintu ka socoto ee Gobolka Daad-madheedh, ayaa Shacabka Oodweyne u soo jeediyey inay si wanaagsan u qaataan Kaadhadhka Cod-bixinta oo halkaa ka socota.

Wasiir Siciid Sulub ayaa sheegay in reer oodweyne looga baahan yahay inay la tartamaan Gabiley isla-markaana laga rabo 50 kun oo kaadhadhka Cod-bixinta ah inay qaataan.

“Haddaydaan Maanta kaadhadhka cod-bixinta qaadan Ninka aad jeceshihiin ee aad is leedihiin wax buu idin qaban ma dooran kartaan, Madaxweynayaal baad dooranaysaan, Baarlamaan baad dooranaysaan, Goleyaasha deegaanka ayaad dooranaysaa, markaa si ay u soo baxaan Dadka fiican ee aad doonaysaan inaad soo saartaan Qof walba waa inuu kaadhkiisa qaataa,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Siciid Sulub oo meel fagaare ah kala hadlayey shacabka reer Oodweyne.

“Berigii hore aad baa loo sagsaagay oo waxba lama qaadan, siiba Gobolka Daad-madheedh waxba lagama qaadan, waxa la yidhi Doofaarka Ficil la’aan baa lagu cadaabaaye waxaad tartami jirteen Gabiley. Oodweyne iyo Gabiley way isku faani jireen, berigii hore Oodweyne ayaa ka faan badnayd, laakiin faankan Aakhiru-samaanka Gabiley baa faan badan, tiradana iyagaa badan, wayna ka muuqataa oo waxa la leeyahay diwaangelintan cusub Gabiley waxay soo saartay 40 kun, Oodweyne hadday 50 kun soo saari waydo Faankii halkaasaa lagaga qaaday, Dadkii soo saara ama Xadka ka keena ama cirka ka keena 50 kun baan idinka aqaanaa…” ayuu yidhi.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Md Siciid Sulub, ayaa sidan oo kale khudbad shacabka Oodweyne uu u jeediyey bishii October ee sannadkan, waxa uu ku sheegay in degmooyinka Gabiley iyo Oodweyne mataano yihiin isku xilli-na qaateen darajada degmo-nimada, balse ay Gabiley kaga dheeraysay horumarka.

Wasiir Sulub oo ka mid ahaa wefti wasiirro ah oo madaxweyne Muuse Biixi ku wehelinayey socdaal uu sannadkan ku tagay magaalada Oodweyne oo uu xadhigga ka jaray mashaariic kala duwan, ayaa Dadweynihii soo dhaweeyay Weftiga Madaxweynaha kula kaftamay inay deegaan ahaan u ekaadeen Gobolka Gabiley oo uu ugu yeedhay ‘Gobolkii Cagaarnaa’, isagoo hadalkiisu tix-raacayey qaabkii soo dhaweynta madaxweynaha.

“Reer Oodweynoow, Maanta waxaad u yar eg-tihiin Gobolkii Cagaarnaa ee Gabiley, markaa eegto Roogga, Doogga aanu soo marnay iyo Geella la eego, Gabiley iyo Oodweyne-na Mataanu ayay ahaayeen, markii Gumaysigu innaga kacay, 1963-kii Afartii degmo ee la bixiyey ee u horreeyay ee la bixiyey ayay ka mid ahaayeen, way kala hormareen, sababta ay u kala hor-mareena waan idiin sheegayaaye Shacabka deegaanka ayuun baa kala hormariyo Gobollada ee Dawladi ma kala hormariso.” Sidaas ayuu hadalkiisa ku sheegay wasiir Sulub oo khudbad ka jeediyey munaasibad madaxweynuhu xadhigga kaga jaray Xarunta Bangiga Dhexe ee Somaliland ku leeyahay degmada Oodweyne.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net