Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo Tabobar Muhiim ah u Qabatay Agaasimeyaasha Maamulka iyo Lacagta ee hay’adaha Dowladda

Tabobarkan ayaa Qayb ka ah Qorsheyaasha Horumarinta Wasaaradda ee Aqoonta Nidaamka Maareynta Xogta Maamulka Maaliyadda

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), ayaa maanta tabobar u soo xidhay Agaasime-waaxeedyada maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda.

Tabobarka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda isla markaana socday muddo saddex maalmood ah, waxa saraakiisha Dowladda ee ka qab-galay lagu tabobaray nidaamka is-wada ee Maareynta Xogta Maamulka Maaliyadda si loogu dabbaqo diyaarinta Miisaaniyad-sannadeed 2023/2024-ka.

Kulan-hawleedka oo duruusta lagu baranayey ay bixinayeen khubaro ka tirsan waaxaha Miisaaniyadda iyo IT-ga ee Wasaaradda Maaliyadda, waxa hawl-wadeennada Dowladda lagu tabobaray qodobbo ay ka mid yihiin hab-raacyada Diyaarinta Miisaaniyadda sannad soo socday, xaddiyada Qoondooyinka la dhaafi karin, summad-xisaabeedka loo adeegsado miisaaniyadda oo wax-ka-beddel lagu sameeyey iyo qodobbo kale oo muhiim ah.

Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda ee Wasaaradda Yaasiin Ducaale oo kulanka ka hadlay, ayaa hawl-wadeennada kula dar-daarmay inay si habboon u dabbaqaan ugu shaqeeyaan Aqoonta ay korodhsadeen.

Hawl-wadeennada ka socday hay’adaha Dowladda ee ka qayb-galay Aqoonis-korodhsigan oo kulanka ka hadlay, ayaa ballan-qaaday inay dabbaqi doonaan isla markaana ay shaqadooda ka muuqan doonto aqoonta ay barteen, waxaanay Wasaaradda maaliyadda ku bogaadiyeen siyaasaddeeda kobicinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo hadal ka jeediyey kulan-hawleedka lagu soo gunaanaday tabobarkan, ayaa hawl-wadeennada ugu baaqay inay hawl-maalmeedka masuuliyadda ay qaranka u hayaan ku dabbaqaan aqoonta ay barteen.

“Aqoontu waa wax joogtaa oo u baahan in boodhka laga tumo oo u baahan inuu Qofku sii kordhisto, aqoonta uu doono halahaadee, waayo waxa si xawli ah isu beddelaya teknoolajiyadda,” sidaas ayuu yidhi Agaasime Maxamed Xuseen, waxaanu intaas ku daray, “Tabobarkani wuxuu ku saabsan yahay hab-raacyada diyaarinta miisaaniyadda iyo xaddiyada Qoondada miisaaniyadda sannadka soo socda sidii aanay inta loo qoondeeyey hay’adaha Dowladda iyo Ciidamada u dhaafi lahayn iyo kharashyada la xidhiidha shaqaalaha, derajooyinka Ciidamada iyo derajooyinka shaqaalaha madaniga ahb isbeddelada ku imanaya sidii loogu tala-gali lahaa”.

Agaasimaha Guud waxa uu sheegay in xoojinta iyo kor-u-qaadista Aqoonta ay Shaqaalaha Dowladda ee Diyaarinta miisaaniyaddu khuseysaa u leeyihiin barnaamijka Is-wada ee lagu dejiso qoondeynta iyo diyaarinta Miisaaniyaddu ay ka mid yihiin qodobbada ugu muhiimsan ee tabobarka loo qabtay.

“Nidaamkani wuxuu xoojinayaa isla-xisaabtankii iyo daah-furnaanta maadaama Qof kasta arki karo waxyaabaha meesha ku jira, taasoo qofka u saamaxaysa inuu halkeedaa ku ansixiyo, wax ka beddelo ama faallo ka bixiyo, wuxuuna ka mid yihiin geeddiga aynu u soconno oo ay casriyeynta nidaamkeena maaliyadeed ilaa wax waliba ay noqdaan wax daahfuran oo la wada-arki karo oo aynu kula dagaalayno wax-is-daba marinta iyo musuq-maasuqa,” sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net