“Wada-hadallada Somaliland iyo Somalia waxay muhiimad Ugu Fadhiyaan Mustaqbalka Geeska Afrika”- Ismail Omar Guelleh

Djibouti (SLpost)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka hadlay wada-hadallada uu marti-geliyey oo maanta Jabuuti uga furmay madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya.

Madaxweynaha Jabuuti oo qoraal kooban ku baahiyey bartiisa X, waxa uu sheegay in wada-hadallada Somaliland iyo Somalia muhiimad weyn u leeyihiin mustaqbalka Gobolka Geeska Afrika.

Ismaaciil Cumar Geelle oo sababaynayey masuuliyadda uu iska saaray marti-gelinta wada-hadallada labada madaxweyne, waxa uu yidhi, “Waxaan martigeliyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muuse Biixi, iyadoo hadaf-keygu yahay inaan fududeeyo dib-u-bilaabashada wada-hadallada labada dhinac oo muhiim u ah Mustaqbalka Gobolka Geeska Afrika,” Sidaas ayuu yidhi madaxweynaha Jabuuti.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhaqanka, Diinta iyo Soomaalinimadu yihiin dhaxal la wada-leeyahay oo suurto-gelin kara natiijo wax ku-ool ah oo wada-hadallada ka soo baxa.
“Dhaqanka aynu wadaagno ayaa inoo suurto-galinaya inaynu gaadhno is-af-garad”, sidaas ayuu yidhi madaxweynaha Jabuuti.