Toos u Daawo Kulanka Xiisaha leh ee Xulalka BADHAN vs HAWD iyo Ciyaaraha Gobollada Somalilad

 

Hargeysa (SLpost)- Waxa si rasmi u socda tartanka Ciyaaraha gobollada Somaliland oo galay wareegga 2aad ee Knock Out-ka, kaddib markii uu soo dhammaaday wareegga 1aad ee is-reebreebka Groups-ka, waxaana maanta garoonka kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium ka socda kulan xiiso leh oo dhexmaraya Xulalka gobollada Badhan iyo Hawd.

Labada Xul ee Badhan iyo Hawd oo ka mid ah Xulalka ugu adag ee sannadkan ka qayb-qaadanaya tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland oo ay isugu soo hadheen Siddeed gobol ooka mid ah 14-ka gobol ee tartanka ka qayb-galay, waxa labadoodaba ku waajib ah inuu mid waliba ku dedaallo sidii uu guul uga gaadhi lahaa kulanka maanta si ay ugu gudbaan wareegga Semi-finalka kulanka maanta.