Tirada Kiisaska Covid-19 ee Somaliland oo Gaadhay 304 Qof iyo Tirada u dhimatay oo Korodhay

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, ayaa maanta shaacisay Kiisas cusub caabuqa Coronavirus ah oo laga helay muwaadiniin intooda badani ku nool yihiin magaalada Hargeysa.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo War-bixinta Maalin laha ah ee xannuunka Covid-19 la wadaagay warbaahinta, ayaa sheegay in baadhitaanno caafimaad oo 24-kii Saacadood ee u dambeeyay lagu sameeyey 43 Qof oo cusbitaalka Guud tagay kaddib markii ay xannuunka isaga shakiyeen laga helay 18 ka mid ah.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in 14 ka mid ah Dadka xannuunka laga helay deggan yihiin Magaalada Hargeysa, Saddex ka mid ahi magaalada Berbera, halka qofka kale ku nool yahay magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay in Hal Qof u geeriyooday Xannuunka 24-kii saac ee u dambeeyey, taas oo tirada guud ee dadka Covid-19 ugu geeriyooday Somaliland ka dhigaysa 20 Qof.

Waxa kale oo uu sheegay inay xannuunka ka bogsadeen 7 Qof oo astaamaha xannuunka laga waayey baadhitaannada la sameeyey 24-kii saac ee u dambeeyey taas oo tirada guud ee dadka xannuunka ka soo kabtay ka dhigaysa 40 Qof.

Guud ahaan Somaliland tirada dadka Xanuunka laga helay ayaa gaadhay 304 Ruux, iyadoo tirada guud ee baadhitaan caafimaad loo sameeyey yihiin 1235 Qof.

Magaalada Hargeysa, ayaa ugu badan tirada kiisaska caabuqa Coronavirus ee dalka iyadoo laga helay 158 kiis, halka magaalada labaad tahay Boorama oo laga helay 23 kiis.

Magaalooyinka Burco iyo Berbera, ayaa laga kala helay 17 Kiis iyo 15 kiis, sida ay isugu xigaan. Magaalada Laascaanood ayaa maraysa 3 Kiis oo la xaqiijiyey halka magaalada Ceerigaabo laga helay Hal Kiis oo Coronavirus ah.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net