Taliyeyaasha Ciidamada Milatariga iyo Booliska Somaliland oo gaadhay Laascaanood iyo Tukaraq

 

Hargeysa (SLpost)- Taliyeyaasha Ciidamada Milateriga iyo Booliska Somaliland Nuux Ismaac’iil Taani iyo Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo ay weheliyaan Saraakiil kale, ayaa maanta gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay u tageen wax ka qabashada dhaqdhaqaaqyo nabadgelyada ka dhan ah.

Weftiga Taliyeyaasha Booliska iyo Milateriga Somaliland, waxaa deegaanka Guumays ku qaabilay Masuuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaha gobolka Sool Abdiqani Maxamuud Jiidhe, Taliyaha Qaybta Boliska gobolka Sool Maxamed Saleebaan Gooni iyo Xubn kale.

Guddoomiyaha SOOL oo soo dhawaynta Taliyeyaasha ka dib Warbaahinta la hadlay, waxa uu sharraxay ujeeddada Waftiga, dilal gobolka laga geystay iyo qorshaha dowladdu ku waajahayso dhibaatooyinka amniga ka dhanka ah.

Taliyeyaasha Millateriga iyo Booliska Somaliland, waxay isla gelinkii dambe ee KHamiista gaadheen Fadhiisinka iidanka qaranka ee Tukaraq, iyaga oo kulammo la yeeshay Saraakiisha Millateriga iyo Dadka deegaanka.