Suxufiyad ka Tirsanaan Jirtay BBC oo Maykeeda Suuli Laga Dhex Helay

Istanbul(SLpost)- Suxufiyad hore uga tirsanaan jirtay BBC-da oo la yidhaa Jacky Sutton, ayaa maydkeeda laga helay isagoo yeela suuli ku yaala madaarka magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ilaa haddana lama garanaayo sababta dhimashadeeda sida BBC shaacisay.

 

Waxa ay BBC sheegtay in ay u safrayay magaalada Irbil ee ku taal waqooyiga Ciraaq, sababtoo ah Jacky waxay ahayd ku-simaha Agaasimaha mac-had xaruntiisu tahay London oo arrimaha dagaalka iyo nabada ka war bixiya oo magaciisa marka la soo gaabiyo la yidhaa IWPr Institute for War and Peace Reporting).

 

Haweenaydan waxa ay soo gaadhay madaarka Istanbul ee Ataturk Airport, kadib markii ay laba saacadood sugaysay in lagu xidho diyaaraa ay raaci lahayd oo ay wayday sida warbaahintu xustay, ayaa maydkeeda uun laga helay suuliga lagu maydho.

 

“Warbaahinta maxaliga ah waxa ay qorayaan in aanay haysan lacag ku filan oo ay ku iibsato tigidh loo beddelaayo, kadibna waxa laga helay iyadoo suuliga ku dhimatay saacado yar kadib uun. Waxa dhacay ilaa hadda lama garanaayo,” ayuu yidhi suxufi BBC oo warkeeda soo tebinaayey.

Gabadhan waxa ay hadda wadday amma diyaarinaysay PhD oo ay ka baranaysay Xarunta Barashada Carabta iyo Islamka ee Jaamada Australian National University, iyadoo si gaar ah cilmi-baadhis caalami ah uga diyaarinaysay taageerada caalamiga ah ee haweenka warbaahinta ku jira ee Ciraq iyo Afganistan intii u dhaxaysay 2003 ilaa 2013kii.

 

Prof. Amin Saikal oo xarunta ay xarunta ay shahaadada ka diyaarinaysay ka wax ka dhiga, ayaa BBC u sheegay in ay aad uga murugaysan yihiin in uu ka dhinto arday PhD diyaarinaaya oo aad u maskax badnaa.