Soomaaliya oo sheegtay in Cadaadis lagu saaray inay Hoos u dhigto Khilaafka u dhexeeya Kenya

 

Muqdisho (SLpost)- Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abubakar oo ka hadlay natiijada shirkii madaxda urur-gobolleedka IGAD maanta ugu soo gebo-gaboobay dalka Jabuuti, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya cadaadis lagu saaaray in ay hoos u dhigto khilaafka ka dhaxeeya dalka Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya si wanaagsan ugu soo diyaar-garowday inay muddo hal maalin ah ku qaadato si ay isaga difaacdo eedeymaha uga imanaya Dowladda Kenya, balse mar walba madaxda Urur gobolleedka IGAD ku dadaalayeen in khilaafka lagu dhax-xaliyo isla Ururka dhexdiisa.

”Annagu waan aqbalnay in khilaafka hoos loo dhigo, laakiin waxaan ku xidhnay shuruud ah in la magacaabo guddi dib u eegis ku sameeya waxyaabaha Dowladda Soomaaliya ay ka tabaneyso Dowladda Kenya,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxa uu sheegay in qodobka ugu weyn ee dhinaca Dowladda Soomaaliya soo bandhigtay aheyd arrinta ku saabsan jabhad la sheegay in lagu tabobarayo degmada Mandera ee gudaha Kenya, taas oo sida uu sheegay ay IGAD go’aan ku gaadhay in loo saaro guddi xaqiiqo-raadin ah.

Balse waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Dibadda Soomaaliya ka gaabsaday qodobbo uu ka cudur-daartay inuu xuso oo ku jiray ajandayaasha Soomaaliya la hortagtay shirka IGAD.

”Qodobka ugu horreeya ee aan rabno in laga wada-hadlo ayaa ah arrintan xudduudda ka taaggan iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka waddo dowladda Kenya, qoddobkaas ayaa muhiim inoo ahaa, waanay jiraan qoddobo kale oo muhiim ah oo aan rabin in aan idinla wadaago,” ayuu yidhi Wasiirku.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa labadooduba dacwado ay isku ashkataynayaan u gudbiyay Urur gobolleedka IGAD iyadoo midba kan kale uu ku eedeeyay inay sabab u tahay khilaaf siyaasadeed oo sababay ilaa heer safaaradaha lagu kala qaato.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net