Somaliland Oo Soo Saartay Baaq Ku Socda Shirweyne Caalami ah oo Dalka Canada ka Furmay

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka mid ah waddamo Caalamka ka tirsan oo taageeraya sidii dowladda Taiwan uga qayb-gali lahayd shirweynaha Ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada iyo Maamulka Hawada ee ICAO.

Xukuumadda Somaliland ayaa warqad furan oo ay ku socodsiisay Beesha Caalamka ugu baaqday in dalka Taiwan loo oggolaado Ka Qayb-galka Shirweynaha 41aad ee Ururka ICAO oo 27-kii bishan Septmber ka furmay magaalada Montreal ee dalka Canada.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu ballaadhnaa ee la qabto tan iyo xilligii uu caalamka saamaynta ku yeeshay cudurka Covid-19 oo si ba’an u saameeyey Duullimaadyada dunida, waxaana la filayaa inuu shirkani noqdo mid taageero loogu raadinayo soo-kabashada Suuqa Duullimaadyada isla markaana lagu xoojinayo iskaashiga iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa dalalka xubnaha ka ah ururka ICAO.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland oo Jimcaha maanta soo saartay Qoraal ay beesha Caalamka ugu soo bandhigtay sida dalka Taiwan ugu habboon yahay in laga qayb-galiyo xubinimada ururka ICAO iyo ka qayb-galka Shirweynahaas, waxa ay ku sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ka marag-kacayso wax-tarka dalka Taiwan iyo awoodda uu u leeyahay inuu wax badan ku soo kordhiyo Beesha Caalamka.

War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland waxa lagu sheegay in ka qayb-galka Taiwan ee shirkaasi muhiimad weyn ugu fadhiyo ammaanka isu-socodka duullimaadyada diyaaradaha isaga kala goosha gobolka Bariga Fog ee Qaaradda Eeshiya iyo dunida inteeda kale, kaas oo habsami-u-socodkiisa hakad ku yimi intii uu socday dhoolatuskii Milatari ee dalweynaha Shiinuhu 4-tii ilaa 15-kii bishii August ee sannadkan ka sameeyey Biyaha Badda eek u xeeran Jasiiradda dalka Taiwan.

Warqadda Furan ee Somaliland ku socodsiisay Beesha Caalamka oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Ciise Keyd Maxamuud, waxa lagu bayaamiyey in ka qayb-galka Taiwan ee shirweynahaasi fursad u siinayo horumar laga sameeyo isku xidhka xogta iyo macluumaadka duullimaadyada diyaaradaha ee dowladaha caalamka oo Taiwan ka mid tahay si looga hortago amni-darro iyo khal-khal ku yimaadda isu-socodka Duulliyaadyada diyaaradaha.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka marag-kacaysaa waxqabadka ay samayn karto Taiwan marka fursad loo siiyo ka qaybgalka shirka, maadaama uu yahay dal aan isku fikir nahayna,  waxaanu aaminsanahay qayb laxaad leh ka geysan karayso marka la eego dhinaca khatarta iyo badbaadada duulimaadyada, sidaa awgeed ICAO waa inay u ogolaataa Taiwan inay ka qayb-gasho si ay awood ugu yeelato inay macluumaadka iska dhaafsadaan Xarumaha maamulka Hawada ee dalalka kale,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Muhiimadda Taiwan u leedahay kaqayb-galka shirweynaha ICAO waxa kale oo xukuumadda Somaliland ku sifeysay sumcadda ay caalamka ku leeyihiin shirkadaha diyaaradaha ee dalka Taiwan oo lagu tilmaamo inay yihiin shirkadaha diyaaradaha ee ugu macaashka badan iyo sidoo kale doorka uu isu-socodka duulimaadyada caalamka ka qaato Garsoonka diyaaradaha ee Caasimadda Taipei oo lagu tilmaamo ka afraad ee ugu mashquulka badan caalamka.

Ka-qaybgalka ICAO waxay macno wax ku-ool ah u yeelanaysaa Taiwan, oo marka lagu daro waddamada kale, gacan buuxda ka geysanaya Horumarka adeegyada duullimaadyada caalamiga ah.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay og tahay muhiimadda ay leedahay iskaashiga duulimaadyada caalamiga ah, waxaanay ugu baaqaysaa Ururka ICAO inuu qaato mowqif dhex-dhexaadnimo ah oo ay Taiwan ku casuumaan shirka sannadkan

Jamhuuriyadda Somahland waxay aaminsan tahay inay Taiwan Wax caawin karto, Caalamkana waxa ku waajib ah inay u oggolaadaan Taiwan inay wax caawiso.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxafaadeedka xambaarsan baaqa loo jeediyey Ururka ICAO ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Shir-sannadeedka 41aad ee ICAO oo furmay 27-kii Bishan September, ayaa qorsheysan in la soo gebogabeeyo 7-da bisha October, waxa ka qayb-galay wakiillo ka socda 193 waddan oo xubno ka ah iyo ururro caalami ah oo lagu marti-qaado, waxaana ajandaha barnaamijka shirka ka mid ah iskaashiga dhinacyada Sharciyadda, dhaqaalaha iyo farsamada ee Duullimaadyada iyo maamulka Hawada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net