Somaliland Oo Ka Hadashay Heshiiska Nabadeed Ee TPLF Iyo Dawladda Itoobiya

Hargeysa (SLPOST) – Dawladda Somaliland, ayaaa ka hadashay isla-markaana soo dhawaysey heshiiska ay gaadheen Dawladda Federaalka Itoobiya iyo JabhaddaTigreega ee TPLF.

Heshiiskan oo lagu soo afjarayo dagaalkii labadii sanadood ee u dambeeyay u dhexeeyay Ciidammada Itoobiya iyo kuwa Jabhadda TPLF, ayaa waxa ka shaqeeyay Ururka Midowga Afrika, waxaana labada dhinac ku kala saxeexdeen dalka Koonfur Afrika.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, ayaa lagu sheegay in Somaliland heshiiskaa soo dhaweynayso, maaddaama oo uu u gogol-xaadhayo in colaaddu joogsato, sidoo kalena ay Somaliland diyaar u tahay inay ka qayb qaadato dedaallada nabadeed ee ka socda Itoobiya.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan “Anigoo ku hadlaya magaca dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu soo dhawaynaynaa xabad-joojintii ay ku heshiiyeen dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya iyo Jabhadda Tigreega (TPLF), waxaanu u aragnaa arrintan inay tahay Talaabada lama huraanka ah ee lagu soo afjarayo dagaalka ku dhawaad ​​labada sano socday ee sababay barakac iyo dhimasho badan oo labada dhinac ah.

Haddaanu nahay dalka jaarka iyo walaalaha, waxaanu taageernay tallaabada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya ee ku aaddan wada-hadallada ay la furto Jabhadda Tigrayga ee TPLF iyo ku dhawaaqista ugu dambaysay ee wada-hadallada nabadeed ee uu hoggaaminayo Midowga Afrika ee Koonfur Afrika.

Waxaan mar walba aaminsannahay in nabaddu ay adkaan doonto, xabbad-joojintuna waa wax ay labada dhinacba bilaabeen, waana inay sii xoojiyaan si nabad waarta loogu helo gobolka.

Waxaan ku ammaaneynaa Midowga Afrika dedaalka badan ee ay ku bixiyeen in labada dhinac ay miiska iskugu yimaaddaan si ay u dhacaan wadahadallo nabadeed iyo sida Madaxweynihii hore ee Nigeria Mudane Olusegun Obasanjo uu arrintaa uga fikiray. Talaabada ugu horeysa waxay u baahan tahay in lagu sii xoojiyo qorshe lagu xalinayo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka dhashay colaadaha, dawladda Jamhuuriyadda Somaliland-na waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay rajaynaysaa abuurista xidhiidh wada shaqayneed oo u dhexeeya labada dhinac si mustaqbalka uu nabadgelyo, iyo horumarka gobolka u gaadho..”

 

Somalilandpost.net/Hargeisa Office 

.