Somaliland: Digniin iyo Shuruudo oo la Dul-dhigay Shaqaalaha Dowladda

 

Hargeysa (SLpost)- Shaqaale-weynaha Dowladda iyo Ciidamada kala duwan ee ay u qorsheysan tahay inay isu-soo-sharraxaan Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada, ayaa looga digay inay muujiyaan astaamo muujinaya ama dhaq-dhaqaaqa Ololaha Doorashado iyagoo ku gudo-jira gudashada waajiyaadka shaqo ee ay qaranka u hayaan.

Shir ay isugu yimaaddeen Golaha Wasiirrada Somaliland Khamiistii Dorraad oo lagu falan-qeeyey diyaar-garowga Doorashooyinka, ayaa lagu go’aamiyay in aan loo ogoleyn shaqaalaha Dawladda iyo Ciidamada iyagoo ku guda-jira shaqada Qaranka ay muujiyaan astaamaha ololaha musharaxnimo, taas beddelkeedana ay banneeyaan shaqada ay qaranka u hayaan.

“Waxaa uu goluhu go’aamiyey innaan la ogolayn in shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu iyagoo ku gudda jira shaqadii qaranka inay muujiyaan astaamaha iyo dhaq-dhaqaaqa ololaha musharaxnimo ee hankooda tartanka doorashooyinka, balse cidii danaynaysa inay ka qayb-galaan doorashooyinka waa inay banneeyaan shaqooyinka ay qaranka ka hayaan,” Sidaas waxa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo si qoto-dheer loogu faahfaahiyey ajandeyaasha lagaga hadlay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha wasiirrada Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.netÂ