Somaliland: 132 Maxbuus oo Waxbarasho Jaamacadeed Dhammaystay

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Caddaaladda ee Somaliland oo kaashanaysa Jaamacadda Beder International University, ayaa ku guulaysteen in iyagoo Maxaabiis ah ay xabsiga ku dhex-qalinjabiyaan 132 maxbuus oo bartay culuum kala duwan, kuwaas oo ku jiraan qaar shahaadada diblooma sare oo jaamacadeed ku qaatay cilmiga Shareecada Islaamka iyo Waxbarashada.

Waxa kale oo ardaydaa ka mid ah 21 arday oo farsamada gacanta sida laydhka iyo biyo-gelinta la baray, kuwaas oo madasha ku soo bandhigay xirfadda ay barteen.

Xafladda Qalin-jebinta ardaydan oo subaxnimadii Saaka ka dhacday xabsiga Dhexe ee Hargeysa, waxa ka qaybgalay Wasiirka Caddaaladda Mustafe Maxamed Cali Bile, Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Torno), Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliid Cabdillaahi Axmed, Guddoomiyaha Guddida Xuquuqal-insaanka Qaranka Maxamed Baarud Cali, Xeer-ilaalinta Guud, Taliyaha Ciidanka Asluubta, masuuliyiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan, iyo hay’adda UNODC.

Dhammaan masuuliyiintii iyo macallimiintii xafladda Ka hadhay waxa ay ardayda Kula dardaarmeen in qayb Ka noqdaan dhaqan-celinta iyo wax barista maxaabiista, kana wacyigeliyaan bulshada dambiyada.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo masuuliyiinta kale waxa ay si wada jir ah u guddoonsiiyeen shahaadooyin iyo hadyado loogu talagalay ardayda waxbarashada Kala duwan Ku dhammaysatay Xabsiga Hargeysa.

Barnaamijka wax lagu baray Maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe ee Hargeysa, ayaa noqonaya markii u horeysay Somaliland ee waxbarasho heerkan gaadhsiisan la siiyo Maxaabiista ku jirta Xabsiyada dalka oo markii hore xirfado kooban la siin jiray.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net