Siyaasi Mustafe Qodax oo Afar Sanno kaddib Hargeysa ku soo laabtay

 

Hargeysa (SLpost)- Waxa Magaalada Hargeysa maanta soo gaadhay Ex-xildhibaan Mustafe Qodax oo ka tirsanaan mudanayaasha aqalka sarre ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, balse dhawaan iska casilay xilkaasi, kana tanaasuliey mowqifkii uu hore u aaminsanaa, kaddibna uu cafis weydiistay madaxweynaha Somaliland oo ka aqbalay.

Mustafe Qodax oo ka soo amba-baxay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu ku sugnaa bishii u dambaysay, ayaa afar sanno uu baarlamaanka Soomaaliya ka mid ahaa kaddib, si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Hargeysa.

Mustafe Qodax oo ka hor intii aanu Muqdisho u doonaan booska xildhibaanimo, xilal kala duwan ka soo qabtay xisbiyada iyo xukuumadda Somaliland, ayaa madashii lagu soo dhaweeyay ka sheegay in uu ka tanaasulay mabdi’ii uu qaatay ee uu ku tagey Soomaaliya, islamarkaana cafis uu weydiistay xukuumadda Somaliland.

“Aad ayaan u faraxsanahay, dareenkayga lama soo koobi karo, muddo afar sano iyo bil ah oo aan ka maqnaa magaaladii aan ku barbaaray magaaladaydii Hargeysa caasimaddii Somaliland, inaan ku soo noqdo oo la igu soo dhoweeyo aad ayaan ugu faraxsanahay, bahda saxaafadda iyo bahdii goloyaasha ee isoo dhaweeyey,” sidaas ayuu yidhi Mustafe Qodax oo hadal ka jeediyey madashii lagu soo dhaweeyey.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Dubai ayaan joogay muddo bil ah, xilkii aan ka haayey Soomaaliya halkaas ayaa iskaga casilay xaflad lagu qabtay, halkaas anniga oo jooga ayaan cafis ka soo dalbaday, sidii ayaan ku imid wixii dambe waan isaga imaanaynaa, maanta runtii aad ayaan ugu faraxsananahay”.

Dhanka kale bil ka hor ayay ahayd markii uu magaalada Hargeysa dib ugu soo laabtay xildhibaan Maxamed Cumar Carte Qaalib, kadib markii uu cafis ka dalbaday Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ka aqbalay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpostnet