Sidee Warbaahinta Dalka MALAWI wax uga Qortay Safarkii Wasiirkooda Khaarajigu ku tagay Somaliland?

 

Hargeysa (SLpost)- Qaar ka mid ah Warbaahinta ugu afka dheer dalka Malawi, ayaa siyaabo kala duwan uga faallooday safarka uu Somaliland ku yimi Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaas,  Eisenhower Mkaka oo Sabtidii toddobaadkan soo gaadhay magaalada Hargeysa.

Weftiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Malawi oo ka kooban saddex xubnood oo wasaaraddiisa ka tirsan, ayaa Sabtidii la kulmay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi  oo Aqalka madaxtooyada ku qaabilay, waxaanay labada dhinac kala wada-hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada horumarka, ganacsiga iyo dibloomasiyadda.

Sida ay faafisay warbaahinta dalka Malawi, weftiga wasiirka Arrimaha Dibadda waxa xubno ka ahaa Martin Toon oo ah La-taliyaha Madaxweynaha Malawi iyo William Bambi oo ka tirsan Waaxda Xidhiidhka Afrika iyo Bariga Dhexe ee Wasaaradda Khaarajiga dalka Malawi.

Warbaahinta laga leeyahay Malawi ee ka faallooday socdaalka Wasiir Mkaka, waxa ka mid ah mareegaha wararka internekta ugu caansan dalkaas oo ka mid yihiin Malawi24 iyo Nyasa Times, kuwaas oo ugu horeyn warbixinahooda ku bilaabay in wasiirka Arrimaha Dibaddu uu madaxweynaha Somaliland u gudbiyey salaan uu uga sido madaxweynaha Malawi, Lazarus Chakwera, Isaga oo dhinaca kale Md Biixi uga mahad-celiyey sida diirran ee uu weftigiisa u soo dhaweeyey.

Malawi24, ayaa warbixinteeda ku sheegtay in madaxweyne Biixi oo ka hadlay intii uu socday kulanka uu weftiga reer Malawi u soo bandhigay walaaca ay Somaliland iyo Shacabkeedu ka qabaan inaanay wali aqoonsi buuxa ka helin qaaradda Afrika iyo adduunka in kasta oo ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa.

Warbaahinta Nyasa Times ayaa qortay in Wasiir Mkaka iyo waftiga Malawi ay la kulmeen masuuliyiin ka tirsan laamaha kala duwan ee Dawladda si ay ugu kuur galaan horumarka iyo dimuqraadiyada Somaliland.

“Dalkani wuxuu madax-banaanida ku dhawaaqay 1991-kii, wuxuuna leeyahay nidaam siyaasadeed oo shaqeynaya, hay’ado dowladeed, booliis iyo lacag u gaar ah.” Sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta Malawi24 ka qoray kulanka wasiirka iyo madaxweynaha.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net