Raysal-wasaare Abiy Ahmed oo Xilalkii ka qaaday Taliyeyaashii Ciidamada Ethiopia iyo Xubno Wasiirro ah

 

Addis Ababa (SLpost)- Raysal-wasaaraha Dalka Ethiopia, Abiy Ahmed, ayaa shaqada ka eryay saraakiil sar-sare oo ka tirsan Xukuumaddiisa iyo Ciidamada dalkaas xilli uu khilaafka xooggan ka taagan gobolka Woqooyi ee Tigray.

Raysalwasaare Abiy, ayaa maanta oo Axad ah waxa uu xilkii kaga qaaday Wasiirkii Arrmaha Dibadda, Gedu Andargachew, waxaanu xilkaas u magacaabay inu hayo Raysalwasaare ku-xigeenkiisa Demeke Mekonen oo labada xilba isku haynaya.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Mr Andargachew, waxaa uu u magacaabay inuu noqdo la-taliyaha Amniga Qaranka.

Taliyihii Ciidamada Milatariga Itoobiya, Gen Adem Mohammed, ayaa lagu beddelay ku xigeenkiisii Gen Berhanu Julla oo haatan noqon doona taliyaha ciidamada Qalabka-sida, halka Gen Abebaw Taddese loo magacaabay ku-xigeenka Taliyaha Milatariga.

Madaxweynihii Dowlad-deegaanka Amxaarada, Temesgen Tiruneh, waxa isagana loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Sirdoonka Dalkaas, halka Demelasha Gebremichael loo magacaabay in uu noqdo taliyaha Booliska ee dalkaas.

Talaabadan lama filaanka ah ayuu Raysal-wasaare Abiy qaaday maanta Xilli ay ka sii darayso xiisadda ka aloosan gobolka Tigray.

Dhanka kale, Berhanu Julla oo haatan laga dhigay Taliyaha guud ee ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Dowladdu qabsadeen magaalooyinka Dansha, Baakar ee gobolka Tigray, isla markaana ay haatan ku dhow yihiin magaalooyinka Shire iyo Shiraaro ee gobolkaas.

Dhinaca kale, War murtiyeed uu soo saaray maamulka deegaanka Tigray ayaa lagu sheegay in xukuumadda Abiy ay dhegaha ka fureysatay baaqyada nabadeed oo ay dagaal aan laga fiirsan deeganka ku oo qaaday.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net