Qareenka Trump oo sheegay inay Dad Dhintay Codeeyeen iyo Xiisaha Wararkii u dambeeyey ee Doorashada Maraykanka

 

Washington (SLpost)- Tirinta Codadka ayaa wali ka socota qaar ka mid ah gobollada dalka Maraykanka oo aan wali lagu kala bixin, kuwaas oo qaarkood yihiin gobollada loollanka adag loo galo doorashada dalkaas si murashax kastaa u hanto guusha madax-tinimada.

Musharaxa Jamhuuriyaga ee Donald Trump ayaa walaac ka muujiyey natiijada codadka uu ka helay gobolla dalkaas qaarkood, isagoo shalay ilaa maanta dalbanayey in la joojiyo tirinta codadka isagoo aan xusin sabab lagu qanci karo oo cabashadiisa la xidhiidha.

Qareenka Madaxweyne Donald Trump oo lagu magacaabo Rudy Giuliani oo ka hadlayay magaalada Philadelphia ayaa sheegay in ay saluugsan yihiin habka tirinta codadka doorashada gobollada qaar oo ay ka mid yihiin Wisconsin iyo Pennsylvania, ayna dalbadeen in dib loo tiriyo codadka.

Qareen Giuliani ayaa sidoo kale ku andacooday in dad dhintay ay codeeyeen, ayna ogaan doonaan tirada reer aakhiraadka ah ee codeysay.

Madaxweyne Trump ayaa dacwad ka gudbiyay natiijada doorashada ee meelaha qaar, waxaana ay ku andoocdeen in musuqmaasuq uu hareeyay, inkastoo aanan caddeyn rasmi ah loo heynin.

“Way dhammaatay. Waan ku guuleysaneynaa doorashadan, runtii waan ku guuleysannay, waa in keliya si caddaalad ah loo xisaabiyaa codadka,” waxa uu Giuliani  sidaas u sheegay warbaahinta, isagoo ku sugan magaalada Philadelphia, ee gobolka Pennsylvania oo wali tirinta codadku ka socoto, balse uu ku horreeyo madaxweyne Trump.

Dhawr gobol oo muhiim ah oo ay ku jiraan Arizona, Nevada, Georgia iyo South Coralina ayaa la filayaa in tirinta codadkooda la dhamaystiro saacadaha soo socda. Marka la dhamaystiro tirinta codadka gobolladaas ee lagu daro iyagana gobollada kale ayaa shaacin doona natiijada codkadka la tiriyey, waxaana soo bixi doonto saadaal guud oo laga qisaasi karo cidda ku guulaysanaysa doorashada madaxtinimada Maraykanka.

Waxa xusid inuu musharaxu ku guulaysto madaxtinimada aanay ugu weynayn inuu helo tirada ugu badan codadka shacabku dhiibtaan, waxayse tahay inuu guulaysanayo musharaxa hela tirada ugu badan codadka ay bixiyaan Gudiyada Gobollada ee la yidhaahdo Gole-doorasho (Electoral Colleges) oo ah tiro go’an oo gobol waliba leeyahay, taas oo lagu jaan gooyey saamiga shacabka ku nool gobol kasta. Musharaxa hela codadka shacabka ee ugu badan gobol kasta ayaa helay codadka Gole-doorashadiisa, marka laga reebo labada gobol ee Nebraska iyo Maine oo sharcigoodu ka duwan yahay gobollada, kuwaas oo murashax kastaa heli karo taageerada Gole-doorashada uu kasbado.

Wadarta codadka Gole-doorashooyinku ayaa ah 538, waxaana murashaxa guulaysanaya laga rabaa inuu helo 270 cod si uu u noqdo madaxweynaha Maraykanka.

Ilaa haatan, labada murashax ayaa ku kala guulaystay 253 Gole-doorasho oo uu haysto Joe Biden iyo 213 Gole-doorasho oo uu haysto madaxweyne Trump.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net