Qalab Qayb ka ah Mashruuca Biyo-ballaadhinta oo Hargeysa soo gaadhay

 

Hargeysa (SLpost)- Xarunta Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa waxa soo gaadhay qalab cusub oo ay soo iibsatay Wakaaladda Biyahu kaas oo qayb laxaad leh ka qaadanaya mashruuca biyo-ballaadhinta ee Caasimadda Somaliland oo gebo-gabo ku dhow.

Qalabkan oo ka kooban Mishiino iyo Bamamka Biyaha, ayaa isla maanta lagu rogay xarunta Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa, waxana halkaas ka hadlay Maareeye ku xigeenka Wakaaladda Cismaan Cabdilaahi Hirad oo sheegay inay tahay shixnaddii labaad ee muddo laba sanno gudahood ah ee wakaaladdu dakhliga ay soo saarto ka iibsato qalab noocan ah, waxaanu tilmaamay in qalabkan laga keenay dalka Jarmalka oo tayadiisuna aad u sarreyso.

Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa sheegay in ay si xawliya u socoto hawsha Biyo ballaadhinta Caasimadda Hargeysa oo ay rajaynayaan in biyuhu wada-gaadhaan magaalada marka la dhammaystiro shaqada Biyo Gelinta.

Madaxa Biyo soo-saarka Wakaaladda Biyaha Sayid Cabdi Jimacaale ayaa sheegay in Mishiinadan lagu beddelayo, kuwii hore u shaqayn jiray ee Biyaha soo gaadhiin jiray qaybo ka mida magaalada. Waxa kaloo uu xusay in mishiinnadan iyo bamamkani ay saacidi doonaan hawlaha biyo ballaadhinta Magaalada.

Waxaa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Eng Khaliif oo ka mid ah Ingineerada Wakaaladda waxaanu sheegay in qalabkani yahay mid muhiima oo wax ka tari doona baahida Biyaha ee magaalada Hargeysa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net