Ninkii Sameeyey Filimka Nebi Muxamed (NNKHA) Lagu Aflagaadeeyay oo Maxkamad la horgeeyey

Washington  (SLpost)- Ninkii Sameeyay Filimkii Nebigeena Suuban (CS) lagu aflagaadeeyay, ayaa dawladda Maraykanku horgaysay Maxkamad ku taala Magaaaladda Los Angles ee dalkaasi si loo waydiiyo waxa ku kallifay inuu filimkan sameeyo.

Ninkan oo lagu magacaabo Nakoula Basseley Nakoula balse caan ku ah magaca Sam Bacile oo da’diisu tahay 55 jir asal ahaanna u dhashay dalka Masar, imikana haysta dhalashada dalka Maraykanka, ayaa sameeyay filim lagu aflagaadeeyay Nebigeena Muxamed (NNKH), kaas oo dunida Muslimka ka abuuray kacdoono lagaga soo horjeedo danaha Maraykanku dalalkaasi ku leeyahay, ayaa la horgeeyay Maxkamad si su’aalo looga waydiiyo filimkan.

Filimka oo jilaayaashii metelayey magaciisa ku khiyaameeyey ‘Desert Warrior’ oo markii dambe uu u beddelay ‘Innocence of Muslims’, kana hadlaya  taariikhda dalka Masar  2000 oo sanno ka hor, ayaa sidoo kale wax lagaga sheegay hab-dhaqankii dhinaca guurka ee Rasuulkeena Muxamed (NNKHA).

Filimkan oo dunida Muslimka ka cadhaysiiyay ayaa waxa la sheegay inuu samayntiisa uu gacan ka gaystay baadari magciisu yahay Terry Jones, kaasi oo hore loogu eedeeyay inuu ku hanjabay inuu Kitaabka Qur’aanka ah gubi doono.

Maxkamadda la horgeeyay Sam Bacile ayaa la sheegay in dib loogu soo celin doono dhawaan, inkasta oo aan laga warqabin su’aalaha la waydiiyay maadaama aan warbaahinta loo ogolayn dhegaysiga dacwadda dhagar-qabahan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net