Natiijada Kulan dhexmaray Golaha Wakiillada iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Maareeyaha Dekaddaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi, ayaa maanta hortagay guddi-hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda oo masuulkan u yeedhay.

Ma jirin warbaahin goob-joog ka ahayd kulanka dhexmaray Maareeyaha iyo Guddiga, haseyeeshee markii uu soo dhammaaday ayay si wada-jir ah ula hadleen suxufiyiinta, waxaana arrimaha kulanka lagaga hadlay sharraxaad ka bixiyey Guddoomiye ku-xigeenka Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye in Maareeyaha iyo masuuliyiin kale oo la socdayba ay ka xog-waraysteen hawlaha shaqo ee dekadda ka socda islamarkaana ay heleen warbixin wanaagsan oo ay ku qanceen.

Maareeyaha Dekadaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi oo isaguna hadlay, ayaa sheegay in guddidu ugu yeedhay sidii ay wax uga weydiin lahaayeen waxyaabihii u qabsoomay intii ay xilka hayeen iyo waxa u qorsheysan in ay qabtaan mustaqbalka isla markaana uga jawaabeen wixii su’aalo ah ee ay weydiiyeen guddidu oo jawaabahooda ku qanceen.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net