“Mulkiilayaasha Tv-yadu waa Ganacsato, iyaga iyo Ganacsatada Lacagta soo bixiyey waa siman yihiin…” – Qaar ka mida ah Wakiillada Tv-yada Somaliland 

 

Hargeysa (SLpost)- Xubno ka mid ah Masuuliyiinta iyo Wakiillada Telefishannada Madaxa-bannaan ee ka hawl-gala Somaliland, ayaa raalli-gelin ka bixiyey dhaliilo ay Mulkiilayaasha Tv-yadu dhawaan u jeediyeen Guddiga ka-hortagga Covid-19 oo ay ku eedeeyeen musuq-maasuq iyo inaanay kharashkii wacgelinta ee loogu talo-galay siinin warbaahinta dalka.

Xubnahan oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa ay sheegeen inaanay aragtidaas iyo dooddaas la qabin mulkiilayaasha telefishannada oo ay hadalkooda ku tilmaamay mid aan ku habboonayn sharafta saxaafadda iyo xaaladda xilligan lagu jiro.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Suxufiyiinta

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net