Millateriga maraykanka iyo Israa’iil oo si wada-jir ah u Samaynaya Dhoolatuskii ugu balaadhnaa

Wargayska Macaareef ee dalka Israaiil ayaa warbixin ka sameeyey dhoollatuska Millateri ee ay bisha Oktoobar ee sanadkan sida wadajirka ah u samayn doonaan Ciidamada Maraykanka iyo Israa’iil, waxaana dhoollatuskan oo lagu tijaabinayo kartida ciidamada Israaiil u leeyihiin inay iska waabiyaan weerar laga yaabo inuu si kediso ah ugaga yimaado wadamada Iran iyo Xitaa Suuriyada sii Dumaysa ((Rag wax isaga gobolo waaweyn))waxaa laga dhigayaa in tobonaan sawaariikh ah laga soo ridayo Iran sidoo kalena waxaa ciidamada labada dhimac israa’iil iyo Maraykanka muujin doonaan sida ay u difaaci lahaayeen hadiiba uu nadaamka bashaar al-asad ee Suuriya go’aansado inuu ku hurgufo gantaalahiisa dhinaca israa’iil hadii ay dhacdo in Nato ku samayso faro gelin millateri.
Ugu yaraan afar Kun oo Ciidamada Maraykanka ah iyo kumanaan kale oo Israa’iiliyiin ah oo ku tababaran qaabka difaaca cirka kuna hubaysan gantaalaha difaaca iyo Gawaadhida gaashaaman ayaa ka qayb aadan doona dabridkan millateri .
Waxaa lagu jiraa hadda qabanqaabada dabridkaas waxaana dhowaan booqday dalka Israa’iil sarkaalka battalion-ka labaad ee Ciidamada Maraykanka ee saldhigoodu yahay qaaradda Afrika Gen. Greek Franklin, waxaana la aaminsan yahay in israa’iil  dabridkan  u adeegsan doonto nadaamka difaaca ee loo yaqaan Hites 2 oo ah mid digniino goor hore ah ka bixin kara gantaalaha ku soo aaddan dhulweynaha Israaiil. waxana ay ku doonaysaa inay farriin u dirto gantaalaha balaastikada ah ee Iran, xili uu jiro werwer baladhan oo israa’iil ka haysta awooda millateri ee Xisbullaahi iyo kooxaha falastiiniyiinta oo soo kordhaysa iyo weliba xaaladda degenaansho la’aaneed ee ka jirta dalka la deriska ah ee Suuriya.
ragga ka faalooda arimaha Bariga dhexe waxay sheegayaan in dabridkani bilow u yahay weerar israaiil ku qaadi doonto barnaamijka Nuclier-ka ee Iran, isla markaana ujeedada dhoollatuskani tahay in la sii ogaado sida ay dawladda yuhuuddu uga jawaab celin karto weerar rogaal celis ah oo ay Iran la beegsato dhulka Israaiil.

Xuseen Aadan Yuusuf (Kurdi)