Maxkamadda Sare ee JSL oo Sulux ku soo Afjartay Dacwad Dhul oo Kiiskeedu 20 Sanno socday

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa heshiis iyo sulux ku dhammeeyey dacwad dhul ah oo muddo dheer maxkamadda ku jirtay.

Dhulka ay dacwadu ka socotay oo ku yaalla Agagaarka Garoonka Shulaac ee galbeedka Hargeysa, ayaa Maxkamadda Sare isla shalayba ka qaadday xayiraaddii saarnayd, kaddib markii ay labada dhinac ku qanceen heshiis rasmi ah oo lagu soo gunaanaday muranka dhulka oo muddo 20 Sanno ka badan xayirnaa, sida lagu sheegay war qoraal oo ka soo baxay Waaxda Xidhiidhka Saxaafadda ee Maxkamadda Sare.

Dhinacyada dhulka isku hayay ayaa kala ah Aar Yuusuf Cilmi oo uu wakiil u ahaa Maxamed Yuusuf Cilmi iyo Ilmo Axmed Cabdilaahi oo uu wakiil u ahaa Cabdinaasir Axmed Cabdilaahi, waxaanay shalay dhinacyadu heshiis rasmi ah ka gaadheen dacwadoodii, kaddib markii maxkamadda Sare u saartay guddi ka kooban 7 xubnood oo soo dhirraan-dhiriyey isku soo dhawaanshaha labada dhinac, waxaanay xubnaha guddigani kala yihiin Sheekh Cali Xaaji Muuse (Cali Masaajid), Cabdiraxmaan Nuur Cigaal, Xasan Aadan Cilmi, Saxardiid Muxumed Shuuriye, Cabdiraxmaan Jaamac Axmed, Cabdikariim Muxumed Ismaaciil iyo Ismaaciil Daahir Faarax.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed oo ka hadlay kulan shalay ku qabsoomay xafiiskiisa oo heshiiska labada dhinac lagu soo gunaanaday, ayaa xusay in burburkii dalka ka dib dhulku noqday shayga ugu dhibta badan ee is-qab-qabsigiisu bulshada badan yahay, isagoo taas ku sababeeyey sharciyaddii lahaanshiyaha dhulka oo burburkaas raacay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sheegay in dhibaatadaa looga baxo ay la yimaaddeen qorshe ah dhex-dhexaadin iyo Sulux looga dhex-dhalinayo dhinacyada dhulka isku haysta si loo bad-baadiyo hantida iyo kharashka kaga baxaya mudadaa dheer ee dacwadu socoto.

Ugu danbayntii, waxa uu guddoomiyuhu u mahad-naqay guddidii dhex-dhexaadinta gashay iyo dhinacyada is hayay ee isku tanaasulay.

Dhankooda, waxa madasha ka hadlay dhinacyadii dacwadu ka dhaxaysay iyo guddidii hawshaasi gashay oo xusay inay dhibaatooyin kala kulmeen dacwadda muddadii ay socotay, balse ay aad ugu faraxsan yihiin inay wanaag ugu soo dhamaatay, waxaanay uga mahad celiyeen guddoomiyaha Maxkamadda Sare doorkii uu ka qaatay soo af-jaridda dacwadda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net