Magacyada iyo Xilalka ay hayeen Saraakiil ka Goostay Ciidammada Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyey Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Taliska Ciidanka Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Afar Sarkaal oo sheegay inay kasoo goosteen Ciidamada Soomaaliya, waxaanay dalbadeen in laga cafiyo khiyaamo Qaran oo ay hore ugu kaceen.

Saraakiishani waxa ay sheegeen in ay ka soo noqdeen mabda’ii ay hore u aamisanaayeen ee Soomaaliweyn oo ay qoomameeyeen, isla markaana ay cafis ka dalbanayaan dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Afarta Sarkaal ee ka soo goostay Ciidammada Danab iyo Gorgor ee Soomaaliya

Afarta Sarkaal oo dhammaan dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, waxa ay sheegeen inay ka tirsanaayeen, xilal kala duwanna ka hayeen Ciidammada Gorgor iyo Danab ee Soomaaliya.

Xiddigle Yuusuf Maxamed Jaamac, Laba Xiddigle Jaabir Ismaaciil Cismaan, Xiddigle Maxamuud Axmed Cali iyo Dable Maxamed Xasan Xaashi oo lagu qaabilay Xarunta Miiska Saraakiisha ee magaalada Hargeysa, ayaa si wada-jir ah warbaahinta ula hadlay, waxaanay ka warrameen warrameen sababaha ku dhaliyey inay ka soo noqdaan mabda’oodii hore.

“Waxaan kasoo shaqeeyey dowlada Soomaaliya ee midnimada gacan ku rimis ka ah iyo wararka been abuur ka ah sheegata, anigoo si daacad ah ugu soo shaqeeyay umadda Soomaaliyeed ee dhibaataysan ee dushooda laysku dilayo,” sida waxa yidhi Laba xidigle Jaabir Ismaaciil Cismaan, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Waxan maanta umadda Somaliland ka codsanayaa in ay i cafiyaan”.

Xiddigle Maxamuud Axmed Cali oo sheegtay inuu ahaa taliyihii warbaahinta, wacyigalinta iyo arrimaha bulshada ee ururka afraad ee ciidanka Danab iyo afhayeenka guutada 16aad ee Danab oo uu soo noqday, ayaa isaguna yidhi, “Waxa aan maanta ku suganahay magaalada Hargaysa run ahaantii waxa hortayda soo fadhiya saraakiil ka duwan saraakiishii aan arki jiray”.

“Somaliland iyo Soomaaliya waa laba dowladood, waxan ogaaday in ay reer Soomaaliya yihiin cadaw ay Somaliland leedahay,” sidaas ayuu yidhi Maxamuud Axmed Cali, waxaanu intaas raaciyey, “Sidaa darteed, markii aan arkay midnimada Soomaaliya sida afka loogaga dhawaaqayo iyo ficil ahaan sida aanay u jirin, waxaan go’aansaday in aan dalkaygii hooyo kusoo noqdo”, ayuu yidhi Xiddigle Maxamuud Axmed Cali.

Daawo Muuqaalka Hadalladii Saraakiisha

Gebo-gabadii, waxa halkaas ka hadlay abaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland Cabdirisaaq Siciid Afguduud oo si diiraan u soo dhaweeyay Saraakiishan qaladka ay hore u galeen ka soo laabtay.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net